DAAWO: Askarigii ugu horeeyay ee Robot ah oo ku biiray Booliska Dubai

DAAWO: Askarigii ugu horeeyay ee Robot ah oo ku biiray Booliska Dubai

daajis.com:- Booliska Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inuu ku soo biiray askarigii ugu horeeyay ee gacan-ku sameys (Robot) caqli leh.Robot-ka Booliska ah ayaa mid shaqadiisa si xirfad ku jirto u gudanaya isagoo gacan siin doona dadweynaha magaalada Dubai iyo dadka fara badan ee halkaasi u taga dalxiiska.

Askarigan Booliska ee Robot-ka ah ayaa salaan sharaf siiyay dadkii ku sugnaa xafladii lagu soo bandhigay oo uu ka mid ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Dubai.Sida aay qortay jariirada Khaliij ee dalka Imaaraadka, askarigan wuxuu awoodaa inuu qabto howlo ay ka mid yihiin aqoonsiga dembiilayaasha, ka hortagga dembiyada, wuxuuna gacan siin doonaa dadka ku sugan garoonka Dubai ee caalamiga ah.


Askarigan robot-ka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee boolis ah oo dunida ka howlgala, waxaana uu soo jiitay baraha bulshada oo si weyn looga hadal hayo. 2030 ayaa la filayaa in Booliska Dubai 4 meelmood meel ay noqon doonaan robot-ka Booliska ee ku hadla luqadadah badan. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada