Daawo: Barnaamij looga hadlay Arinta Gobolada Waqooyi ee Soomaliya “Dad Aan Naxaynin ayaa S.LAND Maamula”

Daawo: Barnaamij looga hadlay Arinta Gobolada Waqooyi ee Soomaliya “Dad Aan Naxaynin ayaa S.LAND Maamula”

daajis.com:-Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamijka HANOOLAATO oo Todobaadka looga hadlay arimaha gobolada Waqooyi gaar ahaan maamulka Somaliland.


Barnaamij oo Wariye Ayaanle Xuseen uu soo saaro ayaa Waxaa lagu waraystay Aadam Jaamac Kaahin oo kamid ah Xildhibaanada dalka Ingiriiska, Kana soo jeeda deegaanada Somaliland, waxaana ugu horayn la waydiiyey Waxa hortaagan in Wadahadalka Soomaalidu uu ku dhamaado wax la Fahmi karo ?

Wuxuu sheegay Qorshaha Jabhadii SNM aanu ahayn inay ka goostaan Soomaaliya Islamarkaana la Marin Habaabiyey, Wuxuuna ka hadlay Arimo kala duwan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Arinta Ictiraaf Raadintu ay Noqotay Mashruuc been ah oo shacabka lagu Kasbado
“Wasiir ayaan ku idhi maxaad Runta ugu sheegi waydeen, wuxuu idhahay hadii aan anigu Runta sheego  oo aan dhaho Ictiraaf ma jiro, mid kale oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ayaa odhanaya aniga  ayuu ii muuqdaa” Ayuu yidhi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada