DAAWO: Jen. Gaafow oo ka Jawaabay Banaanbixii Beesha Isaaq ee Muqdsiho “Waa dad aan Dadnimo Lahayn

DAAWO: Jen. Gaafow oo ka Jawaabay Banaanbixii Beesha Isaaq ee Muqdsiho “Waa dad aan Dadnimo Lahayn

daajis.com:- Gen. Cabdullahi Gaafow Maxamuud Taliyihii Hore ee Nabad Sugida ayaa ka hadlay Banaanbax magaalada Muqdisho ka dhacay oo ay  dhigeen Xubno u dhashay Beesha Isaaq, Iyagoo si Kulul uga hadlay  Dilkii dhowaan  loo gaystay Mursal Cumar Cismaan  oo ku baxay Gacanta  Darawalka Jen. Gaafow.


“Waa wax siyaasad ka shaqaynaha  Dadka Muqdisho banaanbaxa ka dhigay,  Ninkii  dilay Ninka  waa u xidhan yahay, Waxaa la Sugayaa Aabihii, Aniga iyo Xasan R/wasaare Khayre midna waxba Nagama Qusayso Ninkaasi, Ciidanka Dawladda ayaanku Wareejinay Ninkii wax dilay, Hadii ay dilayaan iyo Hadii ay sii daynayaan, Waxaa la sugayaa Aabihii.”
Isagoo Hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay “Kuwa Siyaasiyiin ah ayaa doonaya inay ka Faa’iidaystaan, Waxay u taalaa Reerka dhalay,   Qisaasta Ninkii dhalay Wiilka dhinta ayaa leh, Gacanta ayaaana Dawladdu ugu Haysaa, Hadii ay Dawladnimo tahay waanu Marnay, Hadii ay Dhaqn Soomaaliyeed tahayna waanu Marnay, Dadka banaanbaxa dhigay waa Dad aan Dadnimo lahayn” Ayuu yidhi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada