DAAWO: Madaxwayne Donald Trump “Kim Jong-un waa Nin Xariif ah”

DAAWO: Madaxwayne Donald Trump “Kim Jong-un waa Nin Xariif ah”

daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ‘nin aad xariif u ah’, Isagoo la hadlayey Barnaamijka Face the Nation ee CBS, ayuu sheegay in Mr Kim uu awoodda qabsaday isagoo dhallinyar, uuna la macaamilay dad aad u qallafsan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu intaa ku daray in uusan ogsoonayn in ‘Kim uu maskax ahaan caafimaad qabo’.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa khaarajiyey adeerkiis, laba sano ka dib markii uu xukunka qabtay, waxaana la tuhunsan yahay inuu amray dilka walaalkiis ay isku aabbo ahaayeen.

“Dadku waxay leeyihiin: miyuu fiyow yahay? Ma garanayo…laakin wuxuu ahaa nin dhallinyar oo jiray 26 ama 27 markii uu aabihii dhintay. Wuxuu la macaamilayaa dad sida muuqata aad u qallafsan, gaar ahaan jeneraallada.

“Isagoo dhallinyar ayuu awoodda qabtay. Dad badan ayaan hubaa inay isku dayeen inay awooddaas kala wareegaan, ha noqdo adeerkiis ama qof kale, waxaana u suurto gashay inuu awoodda haysto. Sida muuqata waa nin aad xariif u ah” ayuu yiri Trump.

Waraysiga Trump ayaa ku soo beegmay ayadoo lagu guul darraystay gantaalkii 2aad ee nooca ballistigga ah ee la isku dayo in la gano laba usbuuc gudahood. Gantaalka ayaa qarxay in yar ka dib markii la ganay.

Markii wax laga weydiiyey sababta ‘ay mar walba u qarxaan’ gantaalaha wuxuu madaxweyne Trump yiri “waxaan doorbidayaa in aanan ka hadlin. Talaabooyinka aan qaadayno oo dhan in aan sheegsheegno ma aha. Waxay la mid tahay cayaarta jar-ka-booddada. Ma doonayo in dadku ogaado waxa aan maskaxda ku hayo”.

Kuuriyada Waqooyi ayaa la rumaysan yahay inay sii waddo dadaalka ay ku sii yaraynayso xajmiga madaxyada hubka nukliyeerka oo ay ku rakibayso gantaalaha riddada dheer ee awooda inay gaaraan Maraykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada