DAAWO: RW. Khayre oo maanta dhagax dhigay Jidka Sodonka “Dalkeena waa inaan Inagu Dhisinaa”

DAAWO: RW. Khayre oo maanta dhagax dhigay Jidka Sodonka “Dalkeena waa inaan Inagu Dhisinaa”

daajis.com:-  Ra’iisul Wasaaraha XFS  Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyinka dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir,waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed.

Godoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda si looga gudbo dhibaatooyinka ka dhex jira Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad,Wadooyin iyo Amni.


“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda dalka iyo dib-u-dhisida caasimada, iyagoo la kaa shanaya hoggaankooda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada