Daawo Sawirada: Burcad jidgooyo u tiil Sh/hoose oo gacanta lagu soo dhigay

Daawo Sawirada: Burcad jidgooyo u tiil Sh/hoose oo gacanta lagu soo dhigay

daajis.com:- Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga maanta ku soo bandhigay  shan nin oo  ku hubeysanaa qoriga AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen falalka dhaca oo  dadka socotada ee mara waddada xiriirisa Muqdisho iyo deegaanka 50,

Howlgal ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka ayaa lagu soo qabtay maliishiyadaan hubeysan xili ay ku guda jireen falal burcadnimo ah.

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeed janaraal C/laahi Cali Caanood, oo warfidiyeenka kula hadlay goobta raggan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay amarkii madaxweynaha ee ahaa in lala dagaalamo ragga caadeystay in jidgooyooyinka dhigtaan waddooyinka.“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa burcad kasta oo hubeysan ama magac ciidan ha wadato ama magac shacabka ha wadatee in aan loo saamaxeynin in dib dambe shacabka Soomaaliyeed u dhibaateyso,” ayuu yiri abaanduulaha ciidanka xooga dalka.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale, sheegay in howlgaladan  ay qeyb ka yihiin amarkii madaxda dalka oo ahaa in ragga isbaarooyinka dhigta loola dagaalamo sida Al-shabaab loola dagaalamo, isagoona xusey in dhowaan sidoo kale 11 nin oo lagu soo qabtay howlgal isbaaro la dagaalan ah ay u gudbiyeen xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Sidoo kale, howlgalo lagula dagaalamayay burcadda dhigata isbaarooyinka ee laga sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe lagu diley afar kamid ah burcaddaas oo hubeysaneyn.

“ Afar casho ka horna  gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan degmada Cadale,waxaan ku dilney afar nin oo burcad ah oo hubeysanaa” ayuu yiri Jen. Canoed.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku baaqay in gacan bir ah lagu qabto kooxaha dadka dhaca u geysta ee dhigta jidgooyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada