Daawo Sawirada: Kulan Muhiim ah oo ka dhacay xarunta Degmada Dayniile

Daawo Sawirada: Kulan Muhiim ah oo ka dhacay xarunta Degmada Dayniile

daajis.com:- Xarunta Degmada Dayniile waxaa kulan muhiim ah oo looga hadlay arimo kala duwan ku yeeshay Maamulka Degmadaasi iyo Waxgaradka ku dhaqan Waaxyaha kala duwan ee ka kooban tahay Degmada Dayniile.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay isaga warqaadi lahaayeen Maamulka Degmada iyo Waxgaradka ku dhaqan Degmadaasi, waxaana intii uu kulanka socday looga hadlay arimo badan ay ku jiraan horu marinta Degmada iyo ka shaqeynta amaanka.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad (Anas) oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan Dayniile sida ay mar walbo ula shaqeeyaan Maamulka Degmada.

Waa uu uga mahad celiyay Gudoomiyaha Dayniile waxgaradka sida ay mar walbo ula shaqeeyaan maamulka, waxa uuna xusay in wada shaqeynta ay ka dhalaneyso faa’iido badan ay ugu horeyso iska warqabka maamulka iyo bulshada kunool Degmada.

Gudomiye Axmed Nuur ayaa xusay in diyaar u yihiin maamulkooda in ay kala shaqeeyaan bulshada sidoo loo horu marin lahaa degmada Dayniile, oo hada muuqata mid ka duwan sidii ay aheed labo sano kahor.
Qaar kamid ah Waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa dhankooda ku amaanay howsha wanaagsan ee maamulka u hayaan shacabka ku dhaqan Dayniile, waxa ayna sheegeen waxgaradka in maamulka hada joogo mar walbo uu tix galiyo kana wada shaqeeyaan amaanka iyo hurumarka degmada.
Degmada Dayniile ayaa xiligan kamid ah degmooyinka ugu nabdoon ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana degmada labadii sano ee ugu dambeysay ka socday horu maro dhinacyo badan ah, waxaana aad loo amaanay doorka wanagasan ay ciyaareen maamulka Degmadaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada