XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo 3 Qodob kala hortagi doona Ra’isul Wasaaraha Itoobiya (Akhri)

XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo 3 Qodob kala hortagi doona Ra’isul Wasaaraha Itoobiya (Akhri)

daajis.com:- Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Arbacada beri ah safar ku aadi doona magaaladda Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Safarka madaxweyne Farmaajo oo yimid kadib casuumaad uu ka helay madaxda dalkaas ayaa waxaa ujeedkiisa kasoo baxaya warar kala duwan.

Shabakadda Wararka ee Allsiyaasad.com ayaa ogaaneysa in madaxweyne Farmaajo uu dhowr mar ka baaqday casuumaada loo fidiyay, laakiin qorshaha uu ahaa in kahor kulanka London uu aado magaaladda Adis Ababa.

Si kastaba, Waxaa jira ilaa sedex qodob oo la filayo in madaxweyne Farmaajo uu kala hadlo Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya.

1- In La Xoojiyo Xariirka labada dal: Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo waxaa soo baxayay warar sheegaya in xariirka labada dal uu aad uhooseeyay, gaar ahaan Itoobiya oo shaki weyn ka qabtay doorashada Farmaajo oo haystay taageerada shacabka.

2 – Arinta Howlgalka ka dhanka ah AlShabaab: Muhiimada labaad ee ugu weyn Farmaajo ayaa ah inuu xal ka gaaro ciidamada Itoobiyaanka ah ee si amar la’aan ah meelaha qaar uga baxaya, una tagaya, taas oo uu u arko mid dhabara ka jabineysa howlgalka ka dhanka ah AlSHABAAB, waxaana uu doonayaa inuu arintaas kala hadlo Ra’isul wasaaraha Itoobiya.

3- Arin Xasaasi ah ayaa jirta: Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu derbi weyn soo kala dhex dhigo xariirka udhaxeeya dowlad goboleedyada iyo Itoobiya, isagoo ka hortagaya in xogahaha qaranka ay Itoobiya ka hesho maamul goboleedyada, Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu xariir toos ah la yeelan doono dowladda Itoobiya si ku dhisan danaha labada dal, taas oo meesha ka saareysa maamul goboleedyada qaar oo dhabar jibin kara siyaasada dowladda dhexe.
Si kastaba, safarka madaxweyne Farmaajo ee ADIS Ababa ayaa la filayaa inuusan qaadan wax ka badan hal maalin, maadaama shacabka Soomaaliyeed aysan ku qanacsaneyn in xariirka Itoobiya iyo Soomaalia uu noqon karo mid guuleysta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada