Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Cunaqabataynta Hubka ee Laga Qaadayo Soomaaliya (VIDEO)

Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Cunaqabataynta Hubka ee Laga Qaadayo Soomaaliya (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maana khudbad dheer ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 18-ka May oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa kaga hadlay codsigii Madaxweynaha Soomaaliya dhawaan u jeediyay Beesha Caalamka ee ku aadanaa in Soomaaliya cunaqabateynta hubka laga qaado.

Siilaanyo ayaa muujiyay in uu ka soo horjeedo in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in nasiib daro ay tahay ayna ka dhalan karto dhibaato weyn hadii qeyb kamid ah Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta sida uu sheegay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa cadeeyay in maamulkiisa uusan marnab raali ka aheyn in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, waxa uuna uga digay beesha Caalamka in ay aqbalaan Codsiga Madaxweynaha Soomaaliya uga yimid ee ku aadan in cunaqabateynta.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay hadii ay dhacdo in cunaqabateynta Hubka laga qaado Soomaaliya in ay taasi abuuri karto colaad iyo dhibaato mar kale ka dhax dhacda Umada Soomaaliyeed, waxa uuna digniin ka bixiyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya iminka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada