Madaxweyne Donald Trump oo Lagu Eedeeyay Inuu Sir la Wadaagay Dalka Ruushka (VIDEO)

Madaxweyne Donald Trump oo Lagu Eedeeyay Inuu Sir la Wadaagay Dalka Ruushka (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweyne dalka Maraykanka ee Donald Trump ayaa difaacay sir uu la wadaagay dalka Ruushka, ka dib markii uu muran ka dhashay macluumaad sir ah oo uu madaxweyne Trump la wadaagay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu wasiirka arimaha dibedda ee dalka Ruuhka Sergei Lavrov la wadaagay sir ku saabsan argagaxisnimada iyo badqabka duulimaadyada diyaaradaha ku wajahan dalka Maraykanka, Waxana uu sheegay inuu doonayay in Ruushka uu gacan ka gaysto la dagaalanka kooxda la magac baxday dowladda Islaamka.

Macluumaadkan ayaa laga helay dal ay saaxiibo yihiin Maraykanka lagamana helin ogolaansho ku aadan in lala wadaago Ruushka, sida uu baahiyay wargayska Washington Post.

Trump ayaa todobaadkii hore Aqalka Cad ku qaabilay Sergei Lavrov. Saraakiisha ayaa diiday wararka warbaahinta laakiin masuul sare oo ka tirsan xisbga Jamhuuriga ee Trump ayaa dalbaday in faahfaahin laga bixiyo arrintan.

Waxaa soo laalaabtay eedaymaha ku saabsan in calaaqaad uu dhexmaray ol’olihii doorashada ee Trump iyo Ruushka, waxayna qayb ka tahay baaritaano dhawr ah oo lagu wado madaxweyne Trump iyo team-kiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada