MIYAY ISLA OGAAYEEN: Antonio Conte oo shaaciyay sababtii ka dambeysay in Victor Moses isku tuuro xerada ganaaxa Arsenal Finalkii FA Cup

MIYAY ISLA OGAAYEEN: Antonio Conte oo shaaciyay sababtii ka dambeysay in Victor Moses isku tuuro xerada ganaaxa Arsenal Finalkii FA Cup

daajis.com:- Tababare Antonio Conte ayaa sheegay in Victor Moses uusan isku dayin inuu qiyaamo garsoorayaasha intii lagu jiray finalkii FA Cup ee ka dhacay Wembly.

Macalinka Bules ayaa ka dhawaajiyay arin layaab leh oo ka dambeysay inuu isku tuuro xerada ganaaxa ciyaaryahankiisa Victor Moses oo loo taagay casaan markii uu qaatay jaalihiisii labaad ee ciyaarta.

Daafaca garabka kaga ciyaara Chelsea ayaa laga saaray kulankii Arsenal ee garoonka Wembley, kadib markii uu isku tuuray xerada ganaaxa xili uu raadinayay rigoore.

Xididga Nigeria ayaa ku dhacay diilinta ganaaxa xili uu raacayay Alex Oxlade-Chamberlain, laakiin Antonio Conte ayaa sheegay in uu daalnaa ciyaaryahankiisa, taasna ay keentay inuu dhulka ku dhaco.

Garsoore Anthony Taylor ayaa u taagay kaarka cas ciyaaryahanka isagoo ku eedeeynaya inuu is tuuray, laakiin Tababare Antonio Conte ayaa ka yaabsaday dunida markii uu sheegay in daal dartiis uu isku tuuray Victor Moses.

Victor Moses ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa shaqsigii ka dambeeyay in Chelsea seegto ku guuleysiga laba koob xili ciyaareedkaan.

“Waxaa jira wax badan oo xiisad kicin kara, laakiin waqti xaadirkaan ma dhihi karno Victor Moses waxa uu qiyaamay garsooraha, waayo wuu daalnaa ayuuku dooday macalin Conte.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada