MUUQAAL: Khayre oo maanta Shirwayne ka Furay magaalada Muqdisho

MUUQAAL: Khayre oo maanta Shirwayne ka Furay magaalada Muqdisho

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta furay shir looga hadlayay horumarinta Isgaarsiinta dalka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, waxana ka qeyb galay Wakiilo ka socday Maamullada dalka iyo Masuulyiinta Shariikadaha Isgaarsiinta, iyadoo shirkan uu socon doono muddo saddex cisho ah laguna falanqeyn doono arrimo muhiim u ah Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada dalka.


Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay Soomaaliya u leedahay Isgaarsiinta casriga ah, wuxuuna xusay in Shirkaani uu yahay kii ugu horeeyey ee ay soo agaasinto Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee lagu falanqeynayo qaabkii loo wajahi lahaa Isgaarsiin caafimaad qabta oo ka shaqeysa horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo furey shirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto wadamada Africa ee ku hormaray dhanka isgaarsiinta, iyadoo laga faa’iideysanayo fursadaha la haystana loo baahan yahay in shirkani ay ka soo baxaan tallooyin wax tar u leh Isgaarsiinta dalka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dawladu ay diyaar u tahay wixii wada shaqeyn ay uga baahan yihiin isgaarsiintu, loona baahan yahay in la yeesho iskaashi iyo isla xisaabtan dhab ah, ganacsataduna ay aaminaan dawladdooda si wadajir loogu gaaro horumarka la higsanayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada