Qaabkee ayey ciyaartoyda Chelsea u sharfeen N’Golo Kante ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta PFA?

Qaabkee ayey ciyaartoyda Chelsea u sharfeen N’Golo Kante ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta PFA?

daajis.com:- Ciyaartoyda kooxda Chelsea ayaa go’aansaday inay si gaar ah uga farxiyaan saaxiibkooda ahna mashiinkooda qadka dhexe N’Golo Kante iyadoo la joogay qolka lebiska ka dib markii uu ku guuleystay Xiddiga Ugu Wanaagsan Horyaalka England Premier League ee abaalmarinta PFA Player of the Year.

Xiddigaha Chelsea ee qolka lebiska ku sugnaa ayaa muddo daqiiqado ah sacab kula dulwareegsanayey xiddiga heerka caalami ee dalka France, iyadoo 26 sanno jirkaani uu keliya hal guul u jiro inuu ku guuleysto koobkiisii labaad ee Premier League, noqdana xiddigii ugu horreeyey ee laba koox oo kala duwan laba sanno oo isku xigta ku qaaday koobkaan.

Kante ayaa xilli ciyaareedkaan oo dhan muhiim u ahaa kooxdiisa Chelsea, waana sababta la isugu daray abaalmarinta PFA Player of the Year iyo weliba Xiddiga Ugu Wanaagsan ee ay doortaan Qoreyaasha Horyaalka Premier League ee Football Writers’ Player of the Year.

Xiddigii hore ee kooxda Leicester City ayaa si gaar ah u degay quluubta ciyaartoyda Chelsea oo uu ku qanciyey qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii ay kooxdu 30 milyan oo ginni uga soo iibsatay Foxes xagaagii lasoo dhaafay.

Kante ayaa yiri: “Asxaabteyda Chelsea ayaa i siiyey sacab ay igula dul wareegsanayaan, muhiim ayey ii aheyd sababtoo ah iyaga la’aantood kuma aanan guuleysan laheyn abaalmarintaan.
“Waxaan ku jirnaa xilli ciyaareed wanaagsan waxaana rajeynayaa inaan si wadajir ah ugu guuleysan karno wax ka wanaagsan abaalmarintaan sababtoo ah waxaan u maleynayaa kubadda cagta ayaaba ah isku duubnaansho”.
Blues ayaa Jimcada ku guuleysan karta koobka Premier League marka ay wajahdo West Brom ciyaar ka dhici doonta garoonka The Hawthorns.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada