DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Aduunka ku qasbi doona Arin ka careysiin doonta Maamul goboleedyada

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Aduunka ku qasbi doona Arin ka careysiin doonta Maamul goboleedyada

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaalia ayaa magaaladda London kaga qeyb galaya shirweynaha arimaha Soomaaliya, kaas oo intiisa badan looga hadli doono sidii loo garab istaagi lahaa dowladda cusub.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ay kamid ahaayeen madaxda Koofur Galbeed, Hiirshabeelle iyo Galmudug ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho si ay London ugaaraan.

Laakiin Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in ajandaha ama qorshaha madaxweynaha uu yahay in dhamaan kaalmada aduunku siiyo Soomaaliya la hoos keeno dowladda dhexe taas oo ah go’aan ka careysiin kara maamul goboleedyada.


Madaxweynaha ayaa dhanka kale shirkaas la hortagi doona in dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo aanan ururo loo soo marsiin ee dowladda si toos ah loogu soo diro, taas oo ah go’aan shaki gelinaya habkii ay caalamku ku taageeri jireen Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa ururo gaar ah usoo marsiin jiray dhaqaalaha ay ugu deeqaan Soomaaliya, taas oo ay adag tahay iney wax ka ogaato dowladda dhexe halka dhaqaalahaas uu ku baxayo.

Si kastaba, shirka London ayaa la filayaa iney kasoo baxaaan qodobo go’aamiya xaaladda uu haatan dalka ku jiro ee dhaqaalaha iyo amaanka


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada