Roob Mahiigaan ah oo Xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho & Nawaaxigeeda (VIDEO)

Roob Mahiigaan ah oo Xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho & Nawaaxigeeda (VIDEO)

daajis.com:- Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa xalay fiidkii ilaa xilli dambe ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay waxaana Roobka uu biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn.

Dadka qaar ee ku nool Duleedka Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Roobkii xalay in uu saameyn weyn ku yeeshay, maadaama ay degan yihiin Guryo ka sameysan cooshado, Waxana ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in ay gar gaar dhan walba ah la soo gaaraan.

Gobolada dalka ee qaarkood ee ay Abaarahu ka jiraan ayaa waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jireen gobolaga dhexe iyo waqooyi ee dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada