SAWIRRO: Haweeney ku xukuneyd 15 sano oo ku dhex geeriyootay xabsiga dhexe

SAWIRRO: Haweeney ku xukuneyd 15 sano oo ku dhex geeriyootay xabsiga dhexe

daajis.com:- Haweeney ku eedeysneyd inay ka tirsaneyd ururka Al-Shabaab oo ay la shaqeyn jirtay ayaa ku geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar.

Deeqo Dirac oo ku xukuneyd 15-sano oo xabsi ciidan ah ayaa u geeriyooday xanuunka Macaanka sida uu u xaqiijiyey taliye ku xigeenka xabsiga dhexe General Maxamed Sheakh Cumar.

Deeqa ayaa raashinka u karin jirty Al-shabaab, hubkana u hayn jirtay, iyadoo laga soo qabtay guri ku yaal Suuqa Xoolaha sanadkii 2014-kii, iyadoo lala soo qabtay labo nin kale oo ka danbeeyay dillkii Nafisa Cusmaan oo aheyd arday ka baxday jaamacad, kuwaasi oo la toogtay iyagana.sanadkii 2014 mar qudha xukuntay iyada iyo labo nin kale oo loo heystay dilka gabar ardayad aheyd oo lagu magacaabi jiray Nafisa Cusmaan oo la dilay bishii April ee sanadkaas.
Taliyaha ayaa sheegay in mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaala xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasina ay la tacaalayeen xaaladeeda caafimaad  dhaqaatiir ka kala socday Isbitaalka Keydsaney iyo kuwa isbitaalka Xabsiga dhexe, islamarkaana baaritaan kadib la xaqiijiyey in ay qabtay xanuunka Macaanka.General Maxamed Sheakh Cumar ayaa tilmaamay in maanta xanuunkaasi ay u geeriyootay Deeqo Diraac oo horey maxkamaddu ay u xukuntay, inkastoo uu sheegay in ay haysatay daryeel caafimaad oo dhaqaatiir ku daaweynayeen isbitaal ku dhex yaal xabsiga dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada