Sheeko Khiyaali Ah: Farmaajo oo riyo ku arkay madaxdii hore ee soomaaliya iyo sheeko yaab leh oo dhex martay

Sheeko Khiyaali Ah: Farmaajo oo riyo ku arkay madaxdii hore ee soomaaliya iyo sheeko yaab leh oo dhex martay

daajis.com:- Tani ma ahan sheeko dhab ah oo horay u dhacday, balse sheeko fanned farshaxanaysan, maad iyo maaweello yarna la mariyay, sidoo kalena aan ugu tallagalnay in aan wax badan ku bidhaamino waxyaabaha ay wadaagaan islamarkaana ay iskala midka yihiin madaxdii hore ee dalka iyo madaxwaynaha aan dooranay ee Farmaajo kaas oo shacabku ay ula baxeen rajadii ummadda, aanna dhihi karno waa dhaymankii dib loo helay.

Faalladan waxaan ku qaadaa dhigi doonaa sheeko dheer oo aan kaga hadlayno farqiyada u dhaxeeya Farmaajo iyo madaxdii ka horeysay, sidoo kale waxaan kaga hadli doonaan halka ay iskaga midka yihiin madaxdii ka horeysay isaga.

Waxaan ka bilaawdi doonaan madaxwaynihii uu kursigan ku garaacay ee Xasan Sheekh Maxamud waxaana ku geyn doonaan ilaa dawladdii daakhiliga ahayd ee uu hogaamiyaha ka ahaa AUN C/lahi Ciise Maxamuud, waxayna u dhacaysaa ama aan ku matalaynaa sheekadan sida iyadoo uu hadlayo Farmaajo kana sheekeynayo riyo uu habeen galay, taas oo uu kusoo wada arkay dhammaan madaxdii isaga ka horeysay, qaarkoodna ay kaftameen, halka qaarka kalena ay la dardaarmeen, balse mid kasta oo kamid ah madaxdii uu riyada ku arkay waxa uu waydiinayay su’aal ah “Halkee Baan iskaga egnahay? Maxaase igula dardaarmaysaa?!” Taas oo aan ku muujinayo sida madaxwaynaha uu u raadiyo khibradda raadinta iyo xikmadda dadkii isaga kahoreeyay, sheekadana waxay u dhici doontaa sida tan.

Farmaajo: “waxay ahayd habeen aad u wanaagsan, waxaan soo bartay dad iga horeeyay oo aan ku dayan jiray, sidoo kale waxaan soo arkay dad aan saaxiibo muddo ahayd oo gu’yaal kahor iigu war dambeysay, mid kasta oo kamid ah waxaan waydiiyay in uu ii dardaarmo iyo in uu ii sheego halka aan isaga iyo anni iskaga mid nahay, taasna way iga oggolaadeen dhammaantooda, waxayna ii ahayd habeen habeenada ka wanaagsan dhammaanteeda, qofkii ugu horreeyay ee aan riyada ku arko wuxuu ahaa saaxiibkeyga ahna walaalkeyga Xasan Sheekh Maxamud, wax badan waan isnaqaanay, balse habeenkan waxaan iswaydiinay su’aallo badan waxaana la gaaray ujeeddka riyada oo ahayd in aan la kulmo dhammaan madaxdii kursigan igaga horreysay, si aan waxbadan uga barto farqiga inoo dhaxeeya, Kadibna aan qaado waddadii ay qaadeen kuwoodii guuleeystay, annoo og in ay wada guuleeysteen maadaama dhammaantood ay soo maamulleen ummad Soomaali la yiraahdo oo dag dagsiimadu ay kubadan tahay, warka yaannan kugu badine waxaan waydiiyay halkaan iskaga egnahay iyo wuxuu igula dardaarmayo, wuxuuna igu jawaabay sida tan:-

Xasan Sheekh Maxamud:” waxaad tahay walaal sharaf badan, balse uma maleeyo in ay jirto meelo badan oo aan ku kala gaddisannahay oo aan ahayn in aan ahay farxaan adna aadan ku wanaagsanayn dhoolla caddaynta, middaas waa iska kaftan sheeko, haddii aan usoo gudbo su’aashaada waxaan iskaga egnahay Samirka iyo dulqaadka, maadaama aan xaalad adag dalka ku hogaaminay, waxaana kula dardaarmayaa in aad mar waliba isku daydo in aadan dhag jalaq u siin hadalada kuwa fara-fudeedka qaba ee diyaarka u ah in ay mucaaradan qof waliba oo meeshaas fadhiista,”

Waxaan is raacin doonaa madaxda iyo sida ay u kala horeeyeen, annagoo kusoo koobi doona halka ay isaga eg yihiin hogaamiyahaas iyo madaxwayne Farmaajo iyo dar-daarankay siinayaan hannadkan dadkiisa ay u hammuunka qabaan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed “Waxaan iskaga eg-nahay Koofiyadda iyo suudka la isku qaadanayo mararka qaar iyo qancinta bulshada, waxaana kula dardaarmayaa in aad kafakarto dhallinyarada la marin habbaabiyay ee Alshabaab ay qaldeen, iskuna day in aad cafis u sameyso intii ay suura gal tahay,”

C/lahi Yuusuf Axmed “Waxaan iskaga eg-nahay socodka iyo kormeerka ciidanka, ee waxaan kula dardaarmayaa inta aad awooddo in aad iska ilaaliso Ethiopia iska ilaali,”
C/Qaasim Salad Xasan :’’Waxaan iskaga eg-nahay xishoodka iyo sariigashada, ee waxaan kula dardaarmayaa in aad iska ilaaliso gaalada iyo dhibteeda, aadna ku kalsooni qabto ciidankeena,”

Cali Mahdi:” waxaan iskaga eg-nahay oo aan iskala mid-nahay maskiinimada, go’aan qaadashada, balse waxaan kula dardaarmayaa inta aad iska ilaalin karto in aad gasho godob keeni karta dagaal sokeeye, Soomaali cusubna ay ku waxyeeloobaan,”

Maxamed Siyaad Barre “Waxaan iskaga mid nahay Shaarbaha iyo gar la’aanta, iyo waddaniyadda, ee waxaan kugula dardaarmayaa in aadan xukunka ku dheeraan dadkuna aysan ku dhibsan, inta aad awooddo in aad baxdo adoo lagu jecel yahay waa inta uu jiri karo magacaaga ee maandhoow sidaas samey,”

C/rashiid Cali Sharmaake “waxaan iskaga eg-nahay fursad siinta dhallinyarada iyo doorka dumarka ee waxaan kugula dardaarmayaa in aadan cidna xaqiisa duudsiin, musuqna aad iska ilaaliso, waaba haddii aad dooneyso in aad meel sarre gaadho,’’

Adan Cabddulle Cisman Cadde “waxaan iskaga eg-nahay samirka iyo soo jiidashada shacabka, ee isku day in aad sameysato dad aad tusaalle wanaagsan (Role-Model) aad u noqoto, kuwaas oo burrito marka ay madax noqdaan sawirkaaga surta xafiiskooda, waxaana rajeynayaa in aad guuleeysan doonto waligee,’’

C/lahi Ciise Maxamud “Waxaan iskaga eg-nahay dhallinyaro jaceylka iyo dal jaceylka, haddii labadaas lagaa helay waa hubanti in aad guuleysan doonto sidey-da oo kale, waxaana kugula dardaarmayaa in aad dhallinyarada fursaddooda siiso, dalkaagana aad jeclaato,”.

Waxay ahayd safar ama rixlad dheer oo ilaa 1956-kii socotay, balse waxaa lagu soo koobi karaa dar-daaranada ay bixiyeen madaxda kaliya laba shay oo ah in la jeclaado dalka iyo in fursadda la siiyo dadka mudan haddii ay ahaan lahaayeen dhalinyarada ama dumarka iyo xitaa cid waliba oo awoodda isbaddal, waxaan ka cudur daaranayaa haddii aad si kale u fahanto sheekadan, waxaana aan leeyahay ma jirto ujeed kale oo aan u sameeyay oo aan ahayn waanno iyo dib u xusuusin waxyaabaha ay wadaagaan madaxda qaranka horey usoo maamushay iyo hannadka haddan aan tallada u dhiibanay ee MAxamed C/Lahi Farmaajo,kaas oo aan ka sugeyno in uu dalka meel wanaagsan ku hago haddii uu rabbi qaddaro.

Dardaaranada madaxda waxay intooda badan ku qotomnaayeen waxyaabihii ay caanka ku ahaayeen madaxdaas, sidoo kale qof waliba wuxuu diiradda saarayay sida wixii ugu waynaa ee xilligiisa qabsaday; waxaan dhammaantooda rabbi uga baryeeynaa in uu naxriistii janno ka waraabbiyo, kooda nool iyo kooda dhintayba maadaama ay madax noo soo noqdaan annagoo ah ummad sal fudeedka u dhalatay oo aan waxbadan dulqaadan karin.

Qormadeyda waxaan kusoo gabagabeynayaa xikmad laga hayo Alexsander The Great oo ahaa hogaamiyihii ka talinayay Mecidonia waqti kamid waqtiyadii kahoreyay dhalashadii nabi Ciise CS, taas oo leh:-

“xikmadda aan ka bartay madaxdaydii iga horreysay ayaa kabadan tan aan ka bartay bay’ada aan ku noollahay,” taas oo ujeedkeedu yahay in dib loo barto taariikhda hogaamiyayaashii dhaqanka iyo kuwii soo maamulay dalka, maadaama laftigoodu ay soo mareen waayo cajiib ah, waan wadi doonaa sheekooyinka noocan oo kale ee khiyaaliga ah, waxaana rajeynayaa in aad waxbadan sugi doonto aadna ka bogan doonto warbixino khiyaali ah oo kusaabsan arrimaha Soomaalida iyo waxyaabaha ku dahaaran.

W/D: Cabaas Cali Xasan Xaliye

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada