Somaliland (SNM) ood moodo in ay hayso wadadii ONLF martay

Somaliland (SNM) ood moodo in ay hayso wadadii ONLF martay

daajis.com:- 1980 meeyadii waxaa adduunka ku badnaa aas-aasida, jabhado ay kale taageerijireen xukuumadihii ku jiray dagaalkii qaboobaa.

Quwadihii hanti wadaaga (the communismists) oo uu horkacayay midowgii soofiyeeti (the Soviet Union) iyo quwaadihii hantigoosadka (the capitalist) ee uu korkacayay maraykanku (The United States of Amerca). Koox kastana waxay rabtay in mida kale iyo xulufadeedaba ay jaro ka tuurto. Haddaba geeska Afrika oo markaas ahaa meel u nugul colaadaha ayaa waxaa ka talin jirey xukuuumado militari oo hogaamiyeyaashaadu ku xidhnaayeen ku wadamadaas is eryanahay.

Taas oo keentay in jabhado ay isku hubeeyaan qolaba kuwa kale. Gaar ahaan Soomaaliya  oo uu hogaaminayay Muxammed Siyaad Barre iyo Itoobiya  oo uu horkacayay Mingistu Xayle Maryam, oo ay ka dhaxaysay cadaawad soo jirin ah oo dhul iyo dad ah oo ilaa maantana aan lahayn xuduud ay isla aqoonsanyihiin marka laga soo tago meelaha ay ciidamadoodu kale fadhin jireen. Mr Barre wuxuu ku xidhnaan jirey USSR (midowgii soofiyeeti) ilaa iyo dagaalkii kululaa ee 1977kii ee wadankiisu uu la galay Itoobiya uu xiriirka u jaray dowladihii ay isla ahaayeen hanti wadaaga isaga uu u yar leexday dhankaas iyo reer galbeedka halka Mingiste uu sii xoojiyay xiriirkiisi midowga soofiyeet oo ay marii danbe uga hiilyeen soomaaliya iyaga oo gacan ku siiyay in ay soomaaliya jabiyeen 1977 kii.

Waxba yaanan hordhac iyo taariikh lawado yaqaano kugu daalinine 1981 ayaa jabhada SNM ( somali national movement) looga dhawaaqay London iyaga oo dadka u sheegay in ay ka soo horjeedaan shuuciyadii katalinaysay Soomaaliya. Waxay qorteen Dastuur (Charter)  waxay ku asteeyeen halgankooda iyaga oo mowqif adag ka istaagay kooxdii haysatay xukunkii soomaaliya. SNM marnaba maysan sheegin in ay u dagaalamayaan go’itaan. Isla sadex sano uu kadib aas-aaskii SNM waxaa magaalada Kuweyd looga dhawaaqay ururka ONLF oo sida magaciisa ka muuqata ahaa urur ama jabhad ku howgalay qabiilka ogaadeen. Ururkani wuxuu dastuurkiisa ku kortay in dhulka Soomaali Galbeed, ingiriiskuna u yaqaanay Ogaden ay u dagaalamayaan gobonimadiisa.

Haddaba waxaa jira xaqiiqooyin ay taariikhdu diwaan galisay oo ay labada jabhadood  waa ONLF iyo SNM iska ekaadeen isku sina u waajaheen.

Sidaas daraadeed ayaa waxaa ii muuqatay in maantana ay isu dhammaad egyihiin.

Bal aan xaqiiqooyinkaas dib milicsano.

1 – Magacyadooda oo uu bixiyay gumeystihii ingiriisku. Jabhadahani waxay magacyada wadamadooda ka dhigeen kuwii gumeytaha ingiriisku ugu yeedhi inkasta oo aysan ONLF wadankeeda qabsanin sidii SNM 1991 u qabsatay ugu bixisay Somaliland.

2 – Dhulalkooda oo si fudud ugu biiray wadamada ay hadda ka tirsanyihiin.

Ogaadeen waxaa Itoobiya si rasmi ah loogu darey 1954 halka Reserve Area ama dhulka howdna la sii raaciyay Itoobiya 1958.

Somaliland waxay soomaaliya si nabad ah iyo heshiish ugu biirta koonfurta soomaaliya 1960.

3 – Halgankooda oo u abaabulaa qaab beeleed.

ONLf ama jabhada wadaniga ah ee xoraynta Ogaadeeniya waxaa ciidan u ah ilaa iyo maanta qabiilka Ogaadeenka kaliya mana jiro qabiil kale oo dagaalka kula jira ama ka caawiyay inkasta oo qabiilo faro badan oo soomaaliyeed ay dhulka degan yihiin iyana maysan codsan dadkana maysan u abaabulin si guud ee magac qabiil ayay qaateen. badelkeed waxay wajaheen caqabado badan oo ay kale kulmeen soomaalida kale sida in la jaajuuso iyo in loo gacan galiyo Itoobiya iyaga oo looga badalan jirey hub iyo dhaqaale.

SNM inkasta oo markii hore ay u galeen halganka si guud haddana ma jirin qabiilo kale oo qabiilka isaaqa ku weheliyay dagaalka waxaa la sheegaa in hal nin oo reer Awdal ahaa la socday. Waxaa intaas dheer 1991 markii ay qabsadeen dhulka waqooyi waxay ku dhawaaqeen gooni u goosad kadib markii ay ka warheleen in Cali Mahdi Maxammed Muqdisho uga dhawaaqay madaxwayne nimo. Tani waxay sababtay in SNM qaar kamid ahi ay ku dhawaaqaan gooni ugoosadka. Halka kuwo kale diideen sida Cismaan Kalluun.

Fikradahooda oon taageero ka helin qabiilada kale ee dhulka ladagen iyo soomaalida kale.
Labada jabhadoodba waxay u muuqdeen kuwo qabiilo ama meleeshiyo kooxoodya SNM waxay qabsatay waqooyi halka ONLF ay duurks gashay lkn waxay ku ekadeen dhulka qabiiladooda inta inkasta oo SNM maamul dhistay dadkii kalena ay kuraas iyo jagooyin kale siisay qabsatayna dhulalbadan oo ay qabiilada kale deganaayeen haddana ma dhicin in si dowladnimo loo arko oo waxay soomaalida kale ula muuqdaan maleeshiyo qabiil. Majirin habcad oo ay u soo bandhigeen qabiilada kale si ay taageero uga heleen.

Tusaale SNM taageero kama haysato soomaali galbeed iyo Koonfur toona. ONLF taageero kama haysato Waqooyi iyo Koonfurtoona iyo macal Bari.

SNM madaamoo ay dhulka haysato waxay heshay fursado badan oo ay ku sii cimdheeraato waxayna adduun kale la yeelatay xidhiidh wanaagsan maadaamoo ay dhulkii ka hirgaliyeen maamul sameeyeene doorooshooyin. Halka ONLF aysan waligeed degmo qabsanin saacado inkasta oo ay dagaalo kulul la gashay Itoobiya  haddana uma muuqanin waligeed in ay xoreyneyso dhulka ay sheegato.

Haddaba laga soo bilaabi 2007 waxay wajaeen mowjado siyaasadeed iyo militari oo soo wajahay labadoodaba.

Ismaamulka soomaalida itoobiya waxaa ka dhismay maamul ka xoogbadan kuwii hore wuxuu aas-aastay ciidamo (Liyu Police) kuwaas oo ONLF la galay dagaalo badan kuna qasbay in qaar heshiis qaato qaarna ciidamadaas kubiiro qaarna wadanka isaga cararo iyada oo aad loo wiiqay awoodoodii ciidan.

Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) oo madaxwaynaha kililka 5aad wuxuu wadanka maamulayay ilaa 2007 oo uu marna ahaa hogaanka Dowlad deegaanka intii danbana madaxwayne wuxuu ONLF ku furey borobagaandho iyo dagaal joogta ah isaga oo sidaa si lamid ah maamulada soomaalida ku noqday caqabad siyaasadeed isaga oo Males ka codsaday in ay maamulada soomaaligu soo maraan isaga tani waxay wiiqday awoodii SNM.

ONLF waxay ku qasbanaatay in ay dibad joog noqoto inkasta oo ay fursado badan haysatay oo ay kula wareegto maamulka kililka 5aad laakiin maanta wax loo ogalyahay ma jiro waxay la safteen kuwo kale oo Itoobiyaan ah oon xataa Fededelka ogalayn.

SNM ama Somaliland waxay 2010 wadahadalo la furtay xukuumadii soomaaliya. Waxay haysteen fursado badan oo ay kula gor-gortamaan  soomaaliya laakiin si dhab ah maysan u galin wada hadalkaas. Waxaa maanta soomaaliya ka arimiya maamul cusub ood moodo in uu kii hore ka xoog badan yahay.Maamulkani wuxuu u muuqdaa in ay hogaaminayaan dhalinyaro wadaniin ah. Wxay sheegeen in ay TVyada u adeegsandoonaan borobagaandhadooda tanina waa habkii lagu wiiqay ONLF markii uu Cabdi Iley samaysatay ESTV oo uu dhaanto iyo riwaayado maamulkiisa ku buunbuuniyo ka siidaayay.

Haddii Farmaajo iyo kooxdiisu ka dhabeeyaan in cuna qabataynta wadanka ka qaadaan dhisaane awood ciidan waxaa xaqiiqo ah in SNM uu waagu ku baryidoono kuwa hargeysa joogana ay meel cidla ah ku soo dhici doonaan uwooduna u soo jandheedhsandoobto dhanka Raysal Wasaare ku xigeenka iyo kooxda ay u yaqaanaan shaqo tageyaasha.

Waxaa qorey Wiil-Ciideed
Email: dalalugaas@gmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada