Video: Awoodaha dunida oo tartan ugu jira in Saldhigyo Militari iyo Xarumo ay Ka Sameystaan JABUUTI Iyo Nolosha

Video: Awoodaha dunida oo tartan ugu jira in Saldhigyo Militari iyo Xarumo ay Ka Sameystaan JABUUTI Iyo Nolosha

daajis.com:- Dalka Jabuuti waa mid ka mid ah meelaha ugu kulul, uguna qalalan ee dhulka. Waa dhul qeyb ka mid ah ay tahay lama degaan ah. Dalka Jabuuti malahan kheyraad dabiici ah, heerka shaqa la’aanta ayaa sidoo kale ah 50%, nolosha ayaa sidoo kale aad u adag, Laakiin dalka Jabuuti, waxaa uu heysaa mid kamid ah hantida aadka u qiimaha badan.

Jabuubti waa halka Badda Cas yo Gacanka Cadmeed ay ku kulmaan, sidoo kale waxaa ka gudba Gacanka Suez, Gacanka Faaris, Badweynta Hindiya, iyo xeebaha Bariga Afrika. Sidaasi darteen dalka Jabuuti ayaa ah Istiraatiijiyada dhamaan wadamada Adduunka, marka laga hadlayo militariga, saldhigyada ciidan iyo xaruumaha Ganacsiga.

Markaad gasho dekedda ugu qadiimisan ee dalka Jabuuti, waxaad arkeysaa marka ugu horeysa warshadaha ugu waaweyn ee dalka oo bidhaamaya. Maraakiibta ay ku raranyihiin  container-adda ayaa kamid ah meelaha sida weyn u kobcinayay dhaqaallaha dalka tan iyo markii xuriyada ay ka qaateen dalka France-ka sanadkii 1977.


Dekaddaasi quruxda badan ee dhaqaallaha dalkasi qeybta ka qaadata ayaa waxaa dhistay dowladda Fransiiska  tobanaan sano ka hor, Magaallooyinka dalka Jabuuti, ayaa dhinaca kale ah kuwo aad u dhisan waxaana bar-bar socda nabad iyo naruuro.

Soomaaliya iyo Djibouti waa laba dal oo walaalo ah, kana dhaxeeya xiriir sal adag Iyadoo  Soomaaliya ay kaalin ballaaran ku laheyd gobonnimada wadanka Djibouti, iyadoo aqoonsatay qarannimada iyo madax banaanida dalkaasi isla markii lagu dhawaaqay gobonnimada dalkaasi oo ku beegneyd June 27, 1977, waxaana labada dal ay u saldhigeen xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi wadaag ah oo ku dhisan walaalnimo.

Dowladda Djibouti waxa ay kaalin firfircoon ku leedahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

Ciidamada Djibouti waxa ay ka howlgalaan degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya , waxaana dadka Soomaaliyeed ay ugu magac dareen “Hiil Walaal”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada