WARBIXIN: AlShabaab oo ogolaaday iney DFS la hadlaan & Xogta qaabka wadahadalka uu udhacayo

WARBIXIN: AlShabaab oo ogolaaday iney DFS la hadlaan & Xogta qaabka wadahadalka uu udhacayo

daajis.com:- Kooxda AlShabaab ayaa la filayaa in markii ugu horeysay ay wadahadal la furaan dowladda Soomaaliya sidaas waxaa sheegaya ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadaladaas ay gar wadeen ka noqon doonto Dowladda Qatar taas oo dhawaan madaxweyne Farmaajo usheegtay iney wadahadal siineyso dowladiisa iyo madaxda sar sare ee Al-shabaab, si looga gudbo dagaalada muddada ka socday dalka Soomaaliya.

Xogta la helayo ayaa tilmaamaya in Wadahadalkaas ay ka qeyb galayaan xubnaha Al-shabaab ugu sareeyo iyo madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida saraakiisha Al-shabaab ee la doondoonayo kaga qeyb gali karaan wadahadalkaasi.

Kooxda AlShabaab ayaa aqbashay iney wadahadal la furaan dowladda Soomaaliya sidaas waxaa xaqiijiyay Saraakiil sar sare oo uhadlay dowlada Qatar , laakiin dad badan ayaa isweydiinaya sida ay wadahadaladaas uga qeyb geli karaan madaxda AlShabaab

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda horey kaga dalbaday dowladda Qatar, waxaana arintaasi aqbashay dowladda Qatar, iyadoo la sugaya go’aanka Al-shabaab ay ka qaataan arintaan.

Dhamaadka bishaan Ramadaan ayaa la qorsheynayaa in qorshaha wadahadalka la shaaciyo oo ay bilowdaan, waxaanse wali jawaab rasmi ah laga heyn dhanka Al-shabaab.
Dowladihii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ayaa ku baaqayay xubnaha Al-shabaab ee Soomaalida ah inay shacabka u naxaan oo miiska wadahadalka ay yimaadaan.

Laakiin, in madaxda AlShabaab ay kusoo biiraan dowladda oo ay wadahadal la furaan ayaa noqoneysa talaabadii ugu weyneyd ee horey loo qaado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada