Xukuumadda Somalia oo Warmurtiyeed Kasoo saartay Doorashadii Gal-mudug

Xukuumadda Somalia oo Warmurtiyeed Kasoo saartay Doorashadii Gal-mudug

daajis.com:- Xukuumadda Dederaalka Soomaaliya ayaa war murtiyeedkii u horeeyay ka soo saartay doorashadii 2-dii bishan ka dhacday magaalada Cadaado, kaasoo Madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

War murtiyeedka oo laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo dhoweeyay doorashada Madaxweynaha Galmudug:-

Muqdisho, May 6, 2017: Maalinitii Talaadada ee Taariikhdu ahayd May 2, 2017 ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug si ay Korjoogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashada ka dhacaysa Cadaado maalinimada Arbacadii ee 3-dii, 05,2017.

3-dii Bisha ayaa doorasho 3 Musharax ku Tartameen ka dhacday Caasimada ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Gal-mudug ee Cadaado. Doorashadaas waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Haddaba:

  1. Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo dhowaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.
  2. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Gal-Mudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Gal-Mudug, si Xal kama dambays ah looga gaaro Khilaafka labada Dhinac.
  3. Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro Nabadda iyo Midnimada Deegaanka Gal-Mudug, si Shacabka reer Gal-Mudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.
  4. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.
  5. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Gal-Mudug iyo Hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Gal-Mudug.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada