Arrin yaab leh: Diyaarad kusii jeeday UK oo lagu qalqal galiyay sheekada Rakaabkii la socday

Arrin yaab leh: Diyaarad kusii jeeday UK oo lagu qalqal galiyay sheekada Rakaabkii la socday

daajis.com:- Mid kamid ah duuliyayaasha shirkada Easyjet ayaa si argagax leh u dajiyay diyaarad uu kasoo duuliyay dalka Slovenia kuna socotay UK.

Diyaaradaani ayaa waxaa saarnaa rakaab tirro ahaan lagu sheegay 151 rakaab kuwaa oo galay jawi kaduwan kii hore kadib markii gudaha diyaarada lagu arkay dhalinyaro ku sheekeysanaayay Daacish iyo Al-qacida.

Rakaabka diyaarada ayaa durba wargaliyay howlwadeenada diyaarada, iyagoo u sheegay in diyaarada ay la socdaan 3 Ruux oo si aad ah uga sheekeysanaaya Kooxaha argagixisada.

Diyaarada oo kusii jeeday UK ayaa laga dajiyay garoonka Cologne-Bonn ee dalka Jarmalka, waxaana xabsi la dhigay 3dii dhalinyaro ee laga shakisnaa.

Booliska ayaa burburiyay Boorso weyn oo ay wateen dhalinyaradaasi kadib markii laga shakiyay isku xirnaanshahooda iyo sheekooyinkooda ku aadanaa howlaha argagixisada.

Booliska Cologne ayaa sheegay in qaar ka mid ah rakaabka ay shaqaalaha diyaarada ku wargeliyaan in saddexda nin ay ka sheekaysanayeen argagixisanimo, balse faahfaahin dheeraad ah laguma sheegin qoraalka.
Dhinaca kale, Maamulka Shirkadda Easyjet ayaa sheegay in duuliyaha uu gaaray go’aanka dejinta diyaaradda, si uu u hubiyo ammaanka rakaabka diyaaradda saaran.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada