Daawo: Goodax Barre oo ka hadlay mooshinka ka dhanka ah R/W Kheyre

Daawo: Goodax Barre oo ka hadlay mooshinka ka dhanka ah R/W Kheyre

daajis.com:- Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Goodax Barre oo waraysi siiyey Telefishanka Universal ayaa ka hadley mooshinka ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ee ka dhan ah ra’iisul wasaare Kheyre.

Xildhibaanad goodax ayaa waraysigiisa ku faahfaahiyey shaqooyinka horyaala barlamaanka, mooshinada xukuumadda laga keeno, hanka shacabku ka qabaan baarlamaanka 10aad iyo faragelinta dalalka shisheeye.

Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaanada sida aadka ah u taageereysan Kheyre ayaa mooshinka ku tilmaamay mid qalad ah, isaga oo saameynta xildhibaanada wada ku sheegay mid aan sidaas u badneyn.

“Xukuumadda hadda jirta ee Xasan Cali Kheyre, mushahar kuma baaqdo, ee ma intaas ayaa mooshin looga keenayaa in ay musharkii bixiyeen” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Kalfadhiga Labaad ee Barlamaanka ayaa lagu wadaa in uu furmo 8 Luuliyo, waxaana wararku sheegayaa in mooshinka laga yaabo in xilligaas la horgeeyo baarlamanka.

Daawo waraysiga Goodax


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada