Daawo: Mid kamida Wasiirada maamulka Puntland oo is Casilay iyo sababta uu isku Casilay oo uu sheegay

Daawo: Mid kamida Wasiirada maamulka Puntland oo is Casilay iyo sababta uu isku Casilay oo uu sheegay

daajis.com:- C/wali Seed Cilmi oo maalmo ka hor uu Madaxweynaha Puntland u magacaabay wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha ee maamulkaas ayaa xilkaas iska casilay maanta.

Sababta uu xilkan iskaga casilay ayuu ku sheegay C/wali Seed Cilmi cadaadis kaga yimid beeshiisa oo saluugsan xilkan la siiyey.


“Waxaan go’aansaday inaan xilkan iska casilo si aan u aqbalo dalabka beesheyda” ayuu yiri C/wali Seed Cilmi oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe.

C/wali Seed Cilmi ayaa horey u ahaa wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha ayaa waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha isla Wasaaradaas ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, isagoo ka mid ahaa wasiiro badan oo wareegtadaas lagu magacaabay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada