daajis.com:- Waxaa sii kordhaya Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaal xoogan oo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, halkaas ay dagnaayeen ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland.
Dagaalka ayaa ahaa mid lagu kediyay ciidamada Puntland oo aysan horey uga warqabin, waxaana ciidanka weerarka lagu bilaabay iyaga oo inta badan ay hurdaan sida laga soo xigtay saraakiil katitrsan ciidamada maamulka Puntland.
In ka badan 45-askari oo katirsanaa Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa dadka deegaanku u sheegeen VOA in dagaalkaasi lagu dilay, waxaana xarumaha caafimaadka gaar ahaan Isbitaalka Degmada Carmo la geeyay dhaawacyada 38-askari oo katirsan Ciidamada Puntland.
Wasiirka Amniga Punland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa Shir Jara’id oo uu ku qabtay Magaalada Garowe ku shaaciyay inuu Dagaalkaasi ku jabiyeen Kooxdii weerarka ku soo qaaday, wuxuuna sheegay in in ay jiraan Khasaaro soo gaaray ayna ku wadaan baaritaan.
Afhayeenka howglada kooxda Al Shabaab Abuu Muscab ayaa dhankiisa sheegay in dagaalkaasi ku dileen 61-askari oo katirsanaa Ciidamada Puntiland ,sidoo kale dagaalkaasi ku qabsadeen in ka badan 10 gaari oo nuuca dagaalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at