Daawo: Ruushka oo sheegay inuu dilay Hogaamiyaha Ururka Daacish

Daawo: Ruushka oo sheegay inuu dilay Hogaamiyaha Ururka Daacish

daajis.com:- Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa baaraysa bal in mid ka mid ah duqaymaha diyaaradahoodu uu dilay hogaamiyaha kooxdaka isku magacawda Dawladda Islaamka ee Daacish.


Wasaaradda ayaa sheegaytay in laga yaabo in Abu Bakar al-Baghdadi iyo ilaa 330 dagaalameyaal oo kale ay ku dhinteen duqayn ay diyaaraddoodu gaysatay 28 May.

Wasaaraddu waxay sheegtay in bartilmaameedku uu ahaa kulan ay lahaayeen kooxda Dawladda Islaamka oo ka dhacayay magaalada Raqqa oo ay sheegtay in ay caasimad u tahay oo ku taalla waqooyiga Suuriya, Marar badan oo hore ayaa la sheegay in la dilay Abu Bakr.

Warka qoraalka ah ee wasaaradda ayaa lagu sheegay in kulankaas ay ka qaybqaadanayeen 30 taliye iyo 300 askar ah, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Sputnik oo ay maalgaliso dawladda Ruushku.

In muddo ah lama ogayn meesha uu ku nool yahay Baqdadi, inkastoo la rumaysanaa in uu ku sugnaa magaalada Mawsil ee dalka Ciraaq ka hor intii aysan xulafada uu Maraykanku hogaaminayo billaabin dadaalada ay dib ugu qabsanayaan bishii Oktoobar ee 2016kii.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada