Daawo sawirrada: Ninkii ka danbeeyay dilka Wasiir Siraaji oo dil lagu xukumay

Daawo sawirrada: Ninkii ka danbeeyay dilka Wasiir Siraaji oo dil lagu xukumay

daajis.com:- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somaliya, ayaa saaka oo Isniin ah waxa ay ku dhawaaqday xukunka lagu riday laba ruux oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo gaystay Wasiirkii hawlaha guud iyo dib u dhiska dalka Marxuum Cabaas Siraaji.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamada.

Taariikhdu markay Ahayd 14/06/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay mar sedaxaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax Cabdi ku dhashay Galgaduud ka tirsan Ciidanka Bada XDS, Kaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiga ah dil bareer ah kadib markii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu waday Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u-dhiska Xukuumada Federaalka hal xabad oo ka mid ahna ay wejiga kaga dhacday marxuumka sidaasna uu ku geeriyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in Tr 28/04/2017 abaaro 15:00 galabnimo uu sameeyay isku day dil kadib markii asagoo saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga X/jajab iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay isgoyska ceel-gaab sidaasna looga qaaday Eedaysanaha qorigii uu watay.

DOOD DHEER KADDIB.
Maxkamaddu
Markay Aragtay:- Eedii uu soo gudbiyey Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida oo ku Xusnayd Aayadda 178aad Suuratul AL- Baqara iyo Qod. 434 XCS.

Markay Aragtay:- qoraalka eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu 2 xabad ku riday gaariga uu waday wasiir siraaji, sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in 28/06/2017 laga qaaday qoraygii uu ku qornaa kadib markii ay murmeen ciidankii ilaalinaayay Ceel-gaab.

Markay Dhagaysatay:– Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay arkayeen eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) oo xabad ridaaya marki la joojiyay gaariga uu saarnaana uu isku dayay in uu baxsado sidaasna ay si qasab ah ugu xireen.

Markay Aragtay:- Cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qoraygii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan.

Markay Dhagaysatay:– Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu yahay dembiile galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil Toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji.
Sidoo kale maxkamadu waxay Amraysaa in xabsiga laga siidaayo S/A/le Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta soomaaliyeed, hadii aan loo haysan dambi kale.

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada