Video: Dowlada Norway oo Aqoonsatay Baasaboorka Dalka Soomaliya

Video: Dowlada Norway oo Aqoonsatay Baasaboorka Dalka Soomaliya

daajis.com:-  Dowlada Norwey ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga ah gaar ah midka Diblomaasiga ah oo ay qaataan Madaxda Dowlada iiyo Siyaasiyiinta.

Dabayaaqada Sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norwey Soomaaliya u soo direysa qubaro heer caalami ah oo kormeeri doona habka lagu bixiyo Basaboorka Shaqaalaha ee ( Service Passport ) iyo basaboorka shacabka ay qataan si ay dowlada norwey iyagana u aqoonsato oo ay muwaadiniinta Soomaliyeed dal-ku galka ugu siiso.


Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/sare Maxamed Adam Koofi ayaa muddooyinkii u damebyay waxaa uu safaro ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaaliga ah.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa madaxda dowlada iyo dhamaan Soomaalida heysta Baasaboorada Shisheeye ka codsatay inay ku safraan baasaboorka Soomaaliga marka ay ku baxayaan magaca Soomaaliya ayna ka qeybgalayaan Shirarka Caalamka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada