LAYAAB: Ninkii 17 Xaas Guursaday, Gabadhii uu Halka Habeen Qabay & Guurkiisii Malxiisadiisa

LAYAAB: Ninkii 17 Xaas Guursaday, Gabadhii uu Halka Habeen Qabay & Guurkiisii Malxiisadiisa

daajis.com:- Xildhibaan Nuur Cabdi Kariin oo kamid ah xubnaha Barlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay Arimo dhif ah oo ka dhaca gudaha Soomaaliya taas oo ah inuu hal mar isla guursaday Gabar iyo Malxiisadii arooskiisa.

Nuur Cabdi Kariin ayaa soo guursaday 17 haween ah isagoo Allah uu ka siiyay caruur ka badan 50, laakiin arimaha yaabka leh ee uu ka sheekeeyay waxaa kamid ah inuu hal habeen labo xaas oo mid malxiisadiisii aheyd isla guursaday.



Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Gabar uu ka guursaday Muqdisho uu kaliya qabay hal habeen, halka uu sedex sano oo xabsi ah uu muteystay xiligii dowladii militeriga kadib markii uu ku xad gudbay Xeerka Qoyska.

Mar la weydiiyay in haatan uu sii wadayo guurka iyo hadii uu ku ekeyn doono sedex xaas oo uu haatan qabo ayaa yiri “Bahalka Libaaxa la yiraahdo hadii xataa uu duqoobo oo uu ilka beelo ciridka ayuu mar-marsiiyaa, marka aniga inta aan awood leeyahay guurka ma joojinayo”

Laakiin dumarka Soomaaliyeed ee dhalinyarada ubadan maanta laguma soo hadal qaadi karo in lala guursado, hadii ay taas dhacdana waxaa badan inuu dumo reerkaas ama dhibaato kale dhacdo…


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada