Mareykanka oo farriin ay sacuudiga iyo xulafadooda ka naxeyn kasoo saaray go’doominta Qatar

Mareykanka oo farriin ay sacuudiga iyo xulafadooda ka naxeyn kasoo saaray go’doominta Qatar

daajis.com:- James Mattis oo ah xoghayaha difaaca dowladda Mareykanka ayaa go’doominta la saaray dowladda Qatar ku tilmaamay inay tahay mid halis ah oo loo baahan yahay in si deg deg ah loo xaliyo.

Mattis  ayaa Guddigga ciidamada hubeysan ee Baarlamaanka Mareykanka u gudbiyey inuu amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamdi uu go’doomintaan ka dhaxlay dhibaato badan isla markaasna ay Qatar diyaar u tahay inay wadada saxan kusoo laabato.

Wuxuu ugu baaqay dowladaha Sacuudiga iyo xulafeeda inay joojiyaan go’doomintaas isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo wadahadal.

Xoghayaha ayaa arrintaan sheegay mar kuu ka jawaabayey su’aal uu waydiiyey Adam Smith oo ah xubin joogta ah oo kamid ah Dimuqraadiga taasoo aheyd inay Sacuudiga meel fiican kaga jirto ololaha la dagaalanka argagixisada.

Wuxuu Mattis tilmaamay in sidoo kala dowladda Qatar ay Mareykanka xulufo la tahay muddo badan isla markaasna ay halkaas ku leeyihiin saldhigga Militari ee ugu weyn Bariga Dhexe, wuxuuna tilmaamay inay kaalin weyn ka qaadatay la dagaalanka argagixisada.

Wariyaha Al-Jazeera ee Washington Maxamed Axmed ayaa sheegay inuu jahwareer ka jiro go’aanka Mareykanka ee ku aadan khilaafka Khaliijka, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay jirto dhibaato diblomasiyadeed oo xagga Marekanka ah iyadoo laga qiyaas qaadanayo arrinta uu jimcadii caddeeyey madaxweynaha Mareykanka Trump xilli uu sheegay in la joogo waqtigii ay Qatar joojin laheyd maalgelinta waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Xoghayaha arrimaha Dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson ayaa dhawaan sheegay in go’doominta Qatar ay tahay mid aan la aqbali karin, wuxuuna dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ugu baaqay inay khafiifiyaan go’doomintaas.

Hadalkaan kasoo yeeray xoghayaha difaaca dowladda Mareykanka Mattis ayaa dhabar jab ku noqon doono dowladaha Khaliijka ee xiriirka u jaray Qatar, Maadaama Mareykanka uu hadda doonayo in go’doomintaas lasoo gabagabeeyo.

Mareykanka ayaa la aaminsan yahay inuu yahay fikirka ka dambeeyey kacdoonka ka dhex dhashay dowladaha Khaliijka kadib markii uu kulanka kula qaatay dalka Sacuudiga markaas oo uu ka codsaday in xiriirka loo jaro.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada