Sacuudiga oo xoolo ka soo dhoofsaday Ethiopia: Cunaqabateyn ku socota Soomaaliya?

Sacuudiga oo xoolo ka soo dhoofsaday Ethiopia: Cunaqabateyn ku socota Soomaaliya?

daajis.com:- Wargayska wax ka qora arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Al-Iqtisaadiya  ee ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa Cadadkiisii shalay wuxuu ku soo daabay warbixin uu ka soo xigtay  ganacsatada Sucuudiga ee xoolaha nool ka ganacsatada, kuwasoo sheegay in xoolo badan ay  ka soo galeen dhinac Ethiopia toddobaadyadii la soo dhaafay

Wargaysku wuxuu sheegay in arrintani ay timid  ka dib markii wasaaradda deegaanka iyo beeruhu ee sucuudigu ay  ogolaatay furintaanka Maxjarka Itoobiya taas oo aad uga qeyb qaadatay inay isdhinto 50% kharashka rarka xoolaha.

Ganacsade Xaamid Al-Jadcaan oo u waraysi siiyay wargayska wuxuu  sheegay  in Maalgashadayaal badan ay u wareegayaan itoobiya si ay kor ugu qaadaan xiriirka sucuudiga ee ganacsi iyo maalgashi ee dhinaca Xoolaha, kulamo hor u dhac ahna  la galay si heshiisyo loo kala saxiixdo loona kordhiyo dhoofka xoolaha ee itoobiya.

Wuxuu caddeeyey inay tahay waxyaalaha soo jiidashada keenaya inay tahay inay xoolaha Itoobiya u egyihiin kuwa Soomaaliya.Waxaa kale oo sheegay in xoolaha itoobiya kasoo baxaya ay toos u soo gaarayaan sucuudiga ayaga oo aan soo marin Maxjarka Jabuuti sidii waagii hore ahaan jirtay.

“Maxjarka Jabuuti Neefka wuxuu ka qaadi jiray $9 ilaa $10 intaa waxaa dheeraa Cowska iyo wixii kale oo kharash ah oo ay xooluhu u baahdaan, wuxuu gaari jiray kharashka raacaya $12 – $13, hadeerse ka dib furitaanka Maxjarka itoobiya wuxuu kharashku hoos u dhacay 50%. Waxaana la ogolaaday Maxjarada itoobiya 2 bilood ka hor” ayuu yiri Ganacsade Xaamid

“Xoolaha itoobiya  waxay  dhanyihiin 40 Malyan oo neef, waana xoolo aad u fiican, sicirkooduna aad u macquul uyahay, gaar ahaan Maxjaradaan markii la furay oo laga maarmay kuwii Jabuuti”

Axmed Baxaafid oo  ah nin maalqabeen ah kana ganacsada xoolaha Wuxuu sheegay in maal-qabeenno badan oo Sucuudiyaan ah halkaas ka furteen Mashaariic badan sida (Naaxinta Xoolaha iyo Kawaanno) waxayna ka mid yihiin mashaariicda ugu waaweyn Qaaradda Afrika, itoobiya waxay u dhoofisaa Sucuudiga, Masar, Imaaraatka, Jabouti, Urdun.
Dowladaha Sucuudigu iyo imaraadku waxay hore u joojiyeen xoolihii uga imaan jiray Soomaaliya oo ay sheegeen in caafimaadkoodu wanaagsanayn, waxayna arrintaasi keentay in lacagtii adkayd ee dollarka ee dalka soo gali ay meesha ka baxdo, iyadoo dhoofku xoolaha nool ay laf dhabar u ahaayeen dhaqaalaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, dhowaan ayaa dowladda Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto dalak Qatar, waxaana tallaabadan suurto-gal ah inay tahay mid la doonayo in cunaqabateyn dadban lagu saaro Soomaalida.

Halkan ka aqri warbixinta wargeyska 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada