Warkan kasoo baxay wasiirka ganacsiga Qatar kuma farxi doonaan xulufada Sacuudiga

Warkan kasoo baxay wasiirka ganacsiga Qatar kuma farxi doonaan xulufada Sacuudiga

daajis.com:- Wasiirka ganacsiga iyo dhaqaalaha Qatar ayaa sheegay in xanibaadda dalalka gacanka ay saareen dalkiisa uusan yeelan wax saameyn ah, sababtuna ay tahay Qatar oo markii horeba usii diyaar garowday dhacdo noocan oo kale ah.

Sheikh Ahmed bin Jassim Al Thani ayaa taleefishinka Aljazeera u sheegay in Qatar markii horeba ay isku diyaarisay dhacdo noocan oo kale ah, islamarkaana ay 12 saac gudahood ku xalisay markii ay xanibaadda ku dhaqaaqeen xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

“Waxaan bilownay inaan soo dhoofsano cunto, caano iyo badeecooyin kale, waxayna nooga imanayaan Turkiga” ayuu yiri.

“Wax walaac ah kama qabno inaan helno cuntada aas aasiga ah, waxaanse ku dadaaleynaa inaysan waxba iska beddelin nolosha dadka reer Qatar ee sida aad ah u sareysa” ayuu yiri wasiirka ganacsiga iyo dhaqaalaha Qatar Sheikh Ahmed bin Jassim Al Thani.

“Dhammaan badeecooyinka cir iyo badba way nooga imanayaan, wax walba sidooda ayey u socdaan” ayuu yiri.
Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain ayaa xiriirka diblomaasiyeed asbuuc ka hor u jaray Qatar, waxayna xanibeen dhammaan isu socodkii gaadiika cirka, dhulka iyo badda ee dalkaas kala dhaxeeyey, si ay u cunaqabateeyaan.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka ganacsiga iyo dhaqaalaha Qatar Sheikh Ahmed bin Jassim Al Thani, ayaa astaan u ah sida Qatar isugu filan tahay, wuxuuna muujinayaa in xulufada Sacuudiga aysan weli ku guuleysan inay dalkaas cadaadiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada