Ilaaliyihii qaaska ahaa ee xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo Al Shabaab isu dhiibay

Ilaaliyihii qaaska ahaa ee xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo Al Shabaab isu dhiibay

daajis.com:-   In ilaaliye qaas ah oo xildhibaan uu isku dhiibo Al Shabaab kaama yaabin doonto madaama aad horey u maqashay xildhibaan Saalax Badbaado oo shabaab ku biiray kadibna is qarxiyay.

Laakiin arinta yaabka badan ayaa ah sida ay ilaalo xildhibaan ula beectami karaan Al Shabaab, taas oo si kale markii loo yiraahdo halis amni ku ah xildhibanka.

Shahaad Maxamed Axmed oo ahaa ilaaliyihii qaaska ahaa ee xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa maanta lagu soo bandhigay deegaanka Gal-hareeri ee gobalka Gal-gaduud halkaas oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Al Shabaab.

Saraakiil iyo madaxa ka tirsan kooxdda ayaa joogay fagaaro uu Shahaad ka qirtay inuu Toowbad keenay uuna ku faraxsan yahay inuu usoo wareegay dhanka Al Shabaab, kooxddu ma sheegin sida ay ugu suurta gashay inuu si nabad ah ugu yimaado.

Wuxuu idaacadda Al Undulus u sheegay inuu walaac iyo qal qal ku jiray markii uu la joogay xildhibaan Bootaan laakiin uu hada faraxsanyahay uuna dareemaayo amni isagoo sidoo kale ugu baaqay xildhibankii u ilaalin jiray oo ay qaraabo hoose yihiin inuu Toowbad keeno waa sida uu yiri.

Arintan ayaa muujineysa sida ay kooxdda Al Shabaab ugu dhowdahay guryaha madaxda Dowladda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada