Raila Odinga”Shacabka Kenya hadii aad i doorataan Somalia waan ka soo saarayaa Ciidankeena”

Raila Odinga”Shacabka Kenya hadii aad i doorataan Somalia waan ka soo saarayaa Ciidankeena”

daajis.com:- Isgoo ka qeyb galayay Dood loo qabtay Murashaxiinta Madaxtinimada kenya oo ka baxeysay Telefishinka STN kenya ayaa Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya Raila Odinga waxa uu sheegay in markii horeba Dowladda Kenya ay qalad ku aheyd in ay Ciidamadeeda u dirto Gudaha Soomaaliya oo ay ku biiraan Howlgalka Nabad Ilaalinta ee Ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya soo galay horaantii 2012, iyadoo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu xiligaasi sheegay in ay Ciidamadaasi ka qeyb qaadan doonaan ciribtirka Dagaalyahanada Alshabaab oo uu sheegay in Amaanka Kenya ay halis ku yihiin loona baahanyahay in Kenya ay ka foojignaato.

Raila Odinga ayaa sheegay in qaladkii ugu weynaa oo ay Dowladda Kenya gashay intuu Majaraha u haayo Madaxweyne Kenyatta uu yahay markii Ciidamada Dalkaasi loo soo daabulay Gudaha Soomaaliya, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yiri

“Dhaliilahayga ma ahan kuwo aan ku doonayo in dalkaan an ku burburiyo ee waa dhaliilo aan ku doonayo in aan ku dhiso nidaam dowladeed oo horseeda xasilooni, waxaana Shacabka reer Kenya u balan qaadaya in Wiilasheena aan kalasoo bixi doono dalka Soomaaliya waa hadii buu yiri aan ku guuleysto doorashada”.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isagu dhaliila Go’aanka uu Kenyatta Ciidamada Dalkaasi ugu soo diray Gudaha Soomaaliya, isagoo sheega in alshabaabka ay ka baadi goobayaan Gudaha Soomaaliya ay usoo daba mareeyeen dalka Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada