Sawirro: Sidee ayey wax usoo gaaren gaariga uu la socday Sargaalkii maanta lagu qarxiyay Muqdisho

Sawirro: Sidee ayey wax usoo gaaren gaariga uu la socday Sargaalkii maanta lagu qarxiyay Muqdisho

daajis.com:- Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Qarax ayaa ka dhacay Nawaaxiga Xarunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo ku taala Degmada Boondheera.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari miino loogu xiray Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Somalia.

Sarkaalka la qarxiyay ayaa lagu Magacaabaa Janaraal C/llaahi Nuur Caana Boore oo soo gaaray dhaawac fudud, Sidoo kale qof Bajaajle ahaa ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib goobta qaraxa gaaray, waxeyna meesha ka wadeen Sarkaalka la bartilmaameedsaday oo lugihiisa ku socday.
Qaraxa ayaa dhacay qadar yar kadib markii ay goobta mareen Kolonyo Gaadiid ah oo galbineysa Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada