Wasiir Xoosh “Somaliland oo ka maqan Afti lama gelin karo Dastuurka (Daawo)

Wasiir Xoosh “Somaliland oo ka maqan Afti lama gelin karo Dastuurka (Daawo)

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Dastuurka KMG aan afti loo qaadi karin, iyadoo nidaamka federaalka ee dalka ka maqan tahay Maamulka Somaliland oo horay uga dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.


Isagoo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayuu Wasiir Xoosh sheegay in marka la soo gaba gabeeyo dib u eegista Dastuurka uu Baarlamaanka labada Aqal uu talo ka geli doono, kaddibna ay cod u qaadayaan, si uu u noqdo dastuur loo dhan yahay.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in labo sano gudahood la doonayo in loo qaado dastuurka afti dadweyne, hase ahaatee waxaa uu xusay inay caqabado ka imaan karaan, gaar ahaan dhinaca Amniga.

“Dastuurka waa in afti la geliyaa, labo sano gudahood si xalaal u noqdo, in Ammaanka noo ogolaan waa laga yaabaa, hadii Amniga noo ogolaada tan siyaasiyan ayaa iyana caqabad ah, maxaa yeelay Somaliland oo ka maqan sheekada qarameedkan Afti ma gelin karo”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Waxaa uu sheegay in hadii Afti loo qaado Dastuurka, iyadoo Somaliland maqan ay u muuqaneyso in laga maarmay oo ay ku noqoneyso dal ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

“Hadii Somaliland aftida gelin, waxaa u muuqaneynaa inaan dhano waa idinka maaranay, marka waa inay dariishata furnaato, si Federaalkan socda sidii ay ugu soo qeyb geli lahaayeen”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dastuurka.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo wada tashi kula yeelaneysay xarumaha deegaanada maamul goboleedyada, si shacabka looga qeyb galiyo talooyinka ku aadan dib u eegista qodobada Dastuurka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada