Weerar dhimasho leh oo Yahuuda loogu qaaday nawaaxiga masjidka Al Aqsa

Weerar dhimasho leh oo Yahuuda loogu qaaday nawaaxiga masjidka Al Aqsa

daajis.com:- Weerar ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga masjidka weyn ee Al Aqsa ee magaalada barakeysan ee Qudus.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday ciidamada Yahuudda, kuwaas oo ku sugnaa nawaaxiga masjidka oo uu ka dhacay weerarka.

Warbaahinta Israa’iil waxay sheegtay in toogashadaasi ay ka dhacday qaybta qadiimiga ah ee magaalada oo u dhaw masaajidka barakaysan ee Al Aqsa oo ay Yuhuudduna u taqaanno Temple Mount.

Saraakiisha Booliska Isra’el ayaa weerarka ku eedeeyay dhalinyaro kasoo jeeda Falastiin kuwaa oo weerarka kadib goobta ka baxsaday, balse laga daba tagay oo la toogtay.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka ay soo qaaden ilaa saddex qof oo dhalinyaro ah kuwaa oo ku hubeysnaa hubka fudud iyo mindiyo.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 qof ruux, halka uu dhaawac kasoo garay tiro kamid ah ciidamada Isra’iil.
Talaabadaani ayaa timid kadib markii ciidamada Isra’el ay is hortaag ku sameeyen boqolaal muslimiin ah oo u cibaada doonanaayay beerta masjidka weyn ee Al Aqsa ee magaalada barakeysan Qudus.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada