Daawo: Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo la magacaabay, Maxaadse ka taqaan

Daawo: Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo la magacaabay, Maxaadse ka taqaan

daajis.com:- Golaha Wasiirada Soomaaliya ansixiyay magacaabida Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, kaasoo bedelay Hanti dhowrkii hore Nuur Faarax, kaasoo shaqada laga eryay bishii May ee sanadkan, kadib dilkii Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji oo uu ka dambeeyay nin ilaalo u ahaa oo Maxkamadda ciidamada ay ku xukuntay dil toogasho.


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo jeediyay Hanti dhowrka Guud ee Qaran in loo magacaabo Mr Maxamed Cali Afgooye oo ah reer Mareykan.

Wararka ayaa sheegaya in Hanti Dhowrkan cusub ay isku heyb yihiin Hanti dhowrkii hore ee xilka laga qaaday,

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo  loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 3di Agoosto, 2017, Wuxuu ku dhashay Afgoye, Shabeellaha Hoose. 1974-tii, wuxuu ka baxay dugsiga hoose ee Xaawa Taako ee Muqdusho iyo Dugsiga sare ee Sheekh Xasan Barsane

Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada, Wuxuu  jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee dalka Mareykanka.

Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion.

Sidoo kale wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa hay’adda lagu magacaabo Somalia Forward Foundation (SFF) oo ah hay’ad ka shaqeysa la talinta dowladaha, shirkadaha iyo hay’adaha daneeya horumarka iyo dib u dhiska Soomaliya.
wuxuu ka heystaa Master of Business Administration University of Maryland University College, Graduate School of Management and Technology.  Wuxuu kaloo ka heystaa Bachelor of Science Accounting iyo Management Information Systems George Mason University ee dalka Mareykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada