Tuugo Xatooyada Gaari qaali ah u adeegsanayay Dameero oo fashilmay (Daawo Sawirada)

Tuugo Xatooyada Gaari qaali ah u adeegsanayay Dameero oo fashilmay (Daawo Sawirada)

daajis.com:- Koox burcad ah ayaa ku fashilantay in ay xadaan gaari qaali ah xili ay xatooyada gaarigaasi u adeegsaneysay Dameero , waxaana dhacdadan layaabka leh ay ka dhacday Dalka Koonfur Afrika oo kamid ah dalalka ugu burcada badan caalamka.

Booliiska Koonfur Afrika ayaa fashiliyay qorshaha kooxdan burcada ah ku dooneysay in ay ku xadaan gaari qaali ah oo nuuciisu ahaa Mercedez Benz C220, gaarigan ayaana kamid ah kuwa caalamka ugu qaalisan sidoo kale loogu jecel yahay.

Kooxda burcada ah ayaa ku fashilantay in gaarigan ka taloowsiiyaan wabiga Limpopo ee dalkaasi, burcada ayaana sidii gaarigaasi Wabiga ugu gudbin lahaayeen waxa ay u adeegsanayeen afar Dameer oo gaariga lagu jiidayay.

Gaarigan oo laga soo xaday magaalo xeebeedka Durban ayaa la qorsheynayay in loo gudbiyo dhanka dalka Zimbabwe ee dariska la ah Koonfur Afrika, waxaana la sheegey in ay ka gudbinayeen wabi xuduuda ku yaala iyaga oo adeegsanayay dameero ah oo ay ku jiidayeen gaariga.

Afhayeen u hadlay booliiska dalka Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Motlafela Mojapelo ayaa Warbaahinta u sheegey in gaariga lasoo qabtay uu yahay nooca Mercedez Benz C220 , waxa uuna tilmaamay in kooxdii burcada ay u baxsadeen dhinaca dalka Zimbabwe.

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa sidan oo kale u fashiliyay sanadkii hore gaari kale oo la doonayya in wabigan laga gudbiyo, waxaana inta badan gaadiidka qaaliga ah ee laga xado dalka Koonfur Afrika loo gudbiyaa loona iib geeyaa Wadamada dariska la ah dalkaasi sida Zimbabwe iyo Muzambik
Baabuurta qaaliga ah ayaa lagu rakibaa aalad dayax-gacmeedka la shaqaysa oo haddii la xado lagu ogaan karo halka uu marayo, taasi oo kaliya shaqaynaysa marka uu baabuurta daaranyahay ama socdo, waana mida keentay in burcadan gaariga oo dansan ay dameero ku jiidaan si aan loo ogaan halka uu yaalo.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada