Daawo: Khudbadii Raalli gelinta Wasiir Xoosh jeediyay kulankii Baarlamaanka

Daawo: Khudbadii Raalli gelinta Wasiir Xoosh jeediyay kulankii Baarlamaanka

daajis.com:- Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal uu ku qoray bartiisan Twitter-ka, kaasoo isaga iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ka dhex dhaliyay xiisad.


Wasiir Xoosh oo maanta hor-tagay Baarlamaanka ayaa raalli gelin ka bixiyay hadalkii uu yiri, isagoo xusay in hadii uu ogaan lahaa meesha uu gaaray hadalkan uusan soo qori laheyn.

“Haddaan ogaan lahaa in heerkaas na gaarsiinayo hadalkaas ma soo qori laheyn, walaalayaal waxaan idin dhihi lahaa haddii hadaladii aan qoray ay xanaf qaarkiin idiin keentay inaad raali ka noqotaan, ujeedkayga ma ahayn inaan baarlamaanka u gafo”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Baarlamaanka ay ka dhaxeyso wada shaqeyn, isagoo xusay mar alla marka ay u yeeraan uu u imaan doono, su’aalaha ay qabaan uga jawaabi doono.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ka aqbalay raalli gelinta, iyagoo cafiyay Wasiirka, una fasaxay inuu shaqadiisa sii wato.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada