Daawo Muuqaal: Madaxweyne Farmaajo oo Wareysi siiyay Telefishinka Qaranka

Daawo Muuqaal: Madaxweyne Farmaajo oo Wareysi siiyay Telefishinka Qaranka

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaaj ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku yaallaan Xarumaha Radio Muqdisho iyo Telefishinka SNTV.


Madaxweyne Farmaajo ayaa bixiyay wareysigii u horeeyay oo toos ah oo uu siiyo Telefishinka Qaranka, tan iyo markii uu xilka ku guuleystay.

Waxaa uu sheegay in markii labaad ay tahay oo uu Xarunta Wasaaradda Warfaafinta uu soo booqdo, isagoo xusay in sanadkii 2011 uu yimid, xilli uu ahaa Ra’iisul Wasaare, xilligaas la howl geliyay Telefishinka Qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in horumar badna la sameeyay, waxaa uu soo qaatay in laga shaqeeyay xasilinta Caasimadda, sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday ansixintii Baarlamaanka ee sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo uu xusay inay ku qaadatay muddo bil ah, isagoo ka codsaday Aqalka sare inay ku meel mariyaan muddo 10 maalmood, si uu isaga qalinka ugu duugo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weydiistay shacabka inay kordhiyaan taageerada ay u hayaan dowladda, isla markaana ay soo celinayana qabkii iyo sharaftii Soomaaliyeed, waxaa uu xusay inay yareyn doonaan wax alla wixii khilaaf ah, isagoo xusay in marka ay dowladda iyo shacabka wada shaqeeyaan ay dowladda hana qaadeyso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada