DAAWO : Shir looga hadlay Fursadaha ganacsi ee Soomaalida Finland oo lagu qabtay Turku

DAAWO : Shir looga hadlay Fursadaha ganacsi ee Soomaalida Finland oo lagu qabtay Turku

daajis.com:- Magaalada Turku ee dalka Finland ayaa  lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay fursadaha ay dadka Somaaliyeed uhaystaan iney ganacsi ka sameystaan dalkan,   waxaana kasoo qeyb galay xubno katirsan dowladda Finland,  jaaliyaddaha Soomaalida dalkan Finland  iyo qurbajoog kale oo ka yimid dalalka kale ee Yurub.

Barnaamijkan oo loogu magac daray Iska Waran ayaa soconayay mudo labo maalin ah, waxaana lagu soo bandhigayaa arrimo ay ka mid yihiin qaabka ay Soomaalidu ula qabsatay  nolosha Finland gaar ahaan dhanka shaqadda iyo waxbarashada.

Sidoo kale Intii uu socday  shirkan waxaa lagu soo bandhigay tirada bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Finland oo isugu jira kuwa dalkan qaxooti ahaan kusoo galay iyo kuwa ku dhashay.

C/Shakuur Cali oo ah qaban-qaabiyaha Shirkan iyo gudoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Turku Sagal Maxamuud Cali ayaa si isku mid ah rajo ugu muujiyay in shirkan uu faa’ido weyn ukeeni doono dadka Soomaaliyeed ee dalka Finland ku nool.


Xildhibaanada Soomaalida ah ee golaha deegaanka magaalooyinka Turku iyo Helsing oo shirkan ku sugnaa iyo ka qeyb galayaashii kale ee shirkan ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay si fir fircon uga dhex muuqdaan bulshadda laakiin ay muhiim u tahay in la helo ganacsi Soomaaliyeed oo lagu faani karo isla markaana bulshadda shaqo abuur iyo hormar u sameyn kara.

Shirka Iska Waran oo la qabanayo sanadkii labaad ayaa waxaa ugu dambeyn kasoo baxay natiijo wax ku ool ah,  oo faa’ido badan  u leh bulshadda Soomaaliyeed ee kunool dalkan Finland, waxaana sanadka soo socda lagu qaban doonaa magaaladda Helsinki ee caasimadda dalkan Finland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada