WARBIXIN: P/Land oo Ka Xanaaqsan Mashruucyadda Turkey & Qatar ee Muqdisho & go’aankii ay ku taageertay Imaaraadka oo…

WARBIXIN: P/Land oo Ka Xanaaqsan Mashruucyadda Turkey & Qatar ee Muqdisho & go’aankii ay ku taageertay Imaaraadka oo…

daajis.com:- Kadib markii Puntland todobaadkan ku dhawaaqday inay dowlada Federaalka ugu baaqeyso inay wax ka bedasho siyaasadeeda ku aadan khilaafka Khaliijka ayey shacabka Soomaaliyeed wax iska weydiinayaan sababta keentay in Puntland oo ah maamulka ugu facweyn Federaalka Soomaaliya uu ulla saftay xulafada Sacuudiga iyo Imaaraatiga.

Dadka qaar ayaa in badan aaminsan in arrintan ay la xariirto xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraatiga oo ah mid soo jiray kahor dhismihii Federaalka Soomaaliya iyo maalgashiga dhawaan shirkada DP World sheegtay inay ku sameenayso dekkada Bosaaso ee isha dhaqaalaha deegaanada Puntland.

Horseed Media oo isku dayday inay arrintan xog dheeraad ah ka ogaato ayaa ku guuleysatay in qaar kamid ah mas’uuliyiinta Puntland ay arrintan uga waramaan, wallow ay dhamaantood ka gaabsadeen in magacooda la xuso.





“….Qoraalka hada soo baxay ee Puntland maaha mid ka qarsoonaa dowlada Federaalka ee horey bay Puntland si hoose Villa Soomaliya ugu dirtay in arrinta taageerada Qatar ka fiirsato iyo saameynta ay ku yeelan karto arrintaasi guud ahaan dalka Soomaaliya….” Ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo ka jawaabayey su’aal la xariirtay in horey Puntland iyo Federaalkan arrimahan uga wadahadleen.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa dhamaantood isku raacay in Villa Somaliya ay ka gaabisay in maamulada dalka ka jira ay siyaasada la xariirta khaliijka ay kala tashato.

Dhinaca kale waxaa arrintan sii xoojiyey cabasho horey Puntland uga qabtay Dowlada Federaalka oo la sheegay inay si dadban u horjoogsatay mashaariic uu Turkiga doonayey inuu ka fuliyo Puntland, gaar ahaan dowladii hore ee Xassan Shiikh Maxamuud, taasi oo ay Puntland si weyn u dhibsatay, sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland.

Dhaqaalaha Puntland oo si weyn ugu tiirsan xoolaha loo dhoofiyo dalka Sacuudiga ayaa sidoo kale kamid ah sababta keentay in Puntland ay si bareer ah taageerto xulafada Sacuudiga iyadoo eegaysa dhinaca dhaqaalaha soo gala dalka Soomaaliya guud ahaan ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta la hadlay Horseed.

Waxaa arrintan u dheer dhaqaale la sheegay in Qatar ay u balan qaaday Dowlada Federaalka Soomaaliya taasi oo la sheegay in aan waxna looga qoondeyn maamulada Federaalka ee dalka ka jira balse lagu koobay khasnada Villa Soomaliya, sida ay sheegeen dhinaca Puntland.

Imaaraatiga

Dowlada Imaaraatiga ayaa ah xiligan furaha ugu weyn ee Xulafada Sacuudiga ku leedahay dalka Soomaaliya, waxay xukuumadaasi xiriir aad u dhaw oo ganacsi iyo dhanka amniga la leedahay Puntland oo ay horey u maalgelisay ciidamada Badda ee Puntland oo kamid ah ciidamada ugu awooda badan ee Soomaaliyeed.

Waxayna Imaaraatiga sidaas oo kale dhawaan waday tababarida ciidamada Komandooska ee Federaalka Soomaaliya oo lagu tababaro magaalada Muqdisho. Mashruucaasi oo hada laga cabsi qabo inuu joogsado kadib go’aankii dowlada Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliijka. Abu Dhabi ayaa joojisay lacagtii ay ku bixin jirtay tababarada ciidamada Komandooska sida ay sheegayaan xog laga helayo mas’uuluyiin ku sugan Muqdisho.

Puntland ayaa isla bar bar dhigtay dhaqaalaha ka yimaada Turkiga iyo Qatar oo ku kooban Muqdisho, iyo dhaqaalihii u gaarka ahaa oo ku tiirsanaa Sacuudiga iyo Imaaraatiga taasina ku khasabtay inay qaadato tilaabadan ay ku shaacisay go’aankeeda ku aadan arrimaha Khaliijka, wallow qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Garowe lagu sheegay inuu yahay oo kaliya “TALO” ku socota Villa Soomaaliya. Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Waxaa iyaguna jira warar sheegaya in maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland laftooda ay taageeradooda siiyeen Xulafada Sacuudiga wallow aysan arrintaasi weli ku dhawaaqin.

Madaxweynaha Juballand Axmed Madoobe oo isagu laftiisa xiriir wanaagsan laleh Imaaraatiga ayaa todobaadkii tagay baaq uu u diray Villa Somaliya ku sheegay in looga baahan yahay dowlada Federaalka inay wax ka bedasho oo wanaajiso xiriirka ay la leedahay maamulada dalka ka jira, hadalkaasi oo qeyb ka ah dhaliisha ah in Federaalka isku koobay arrimaha xasaasiga ah ee wada taabanaya dalka Soomaaliya guud ahaan.

Hadaan usoo noqono Puntland ayaa dhankeeda dadaal ugu jirta inay hesho mashaariic waaweyn oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah iyadoo xiligan rajo ka qabto in dhinaca Sacuudiga uu ka miro dhaliyo balanqaadkiisii ahaa maalgashiga kaluumeysiga Puntland iyo dhismaha wadooyinka.

Waxaan iyadana la ogeyn qaabka ay Xukuumada cusub ee Federaalka Soomaaliya wax uga bedali karto nidaamkii xukuumadii ka horeysay u dajisay mashaariicda iyo dhaqaalaha ka yimaada Turkiga iyo Qatar in lagu koobo Muqdisho ama inay jirto siyaasad kale oo ay kusoo jiidan karto maamulada dalka ka jira!

Maxamed Cismaan


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada