Mukhtaar Roobow oo isbaray Shabaab iyo Ciidamo soo weeraray oo la kulmay Jab xoog leh Dagaal Culus (Warbixin)

Mukhtaar Roobow oo isbaray Shabaab iyo Ciidamo soo weeraray oo la kulmay Jab xoog leh Dagaal Culus (Warbixin)

daajis.com:-Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta is baray Al-Shabaab kadib markii uu u dhigay cashir lama iloobaan ah markii ay Al-Shabaab dhawr jiho kasoo weerartay.

Sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen Ciidamada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa guul weyn ka gaaray dagaalkii maanta ay kusoo qaadeen ciidamo badan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa tiro afar jeer ah xalay ilaa saakay weerar kusoo qaaday fariisimaha Sheekh Mukhtaar balse waxay la kulmeyn jab weyn oo isugu jiro dhaawac iyo dhimasho, waxaana xusid mudan in Ciidamada Roobow ay dib isaga riixeen ciidamadii soo weeraray.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dhowr jiho ay ka weerareen deegaannada Abaal iyo Yabaal oo uu ku sugan yahay Abuu Mansuur, waxaana halkaasi ka socda dagaal xooggan.

Waxaa jira khasaare soo kala gaaray Labada dhinac sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay dagaalladan waxay sheegayaan in ciidanka Mukhtaar Roobow ay dib usoo riixeen dagaalyahannada Alshabaab, iyadoo Al-shabaab ayaa tiro Seddex jeer ah saakay illaa iyo xilligan weeraray Mukhtaar Roobow, waxaana ay la kulmayaan iska caabin.
Dagaalka ayaa weli socdo, waxaana la isku adeegsanayaan rasaasta noocyadeeda kala duwan, waxayna wararka xaqiijinayeen inuu dagaalka ka fogaaday fariisimaha Roobow oo markii hore lasoo weeraray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada