Shabaab oo la wareegay Tuuladii uu ku sugnaa Mukhtaar Roobow iyo Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday inay…

Shabaab oo la wareegay Tuuladii uu ku sugnaa Mukhtaar Roobow iyo Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday inay…

daajis.com:- Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo dagaalkii u dhaxeeyey Roobow Abuu Mansuur iyo Al-Shabaab  ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee saaka dagaalka ku qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ay la wareegeen Tuulada Abal oo aheyd halkii uu saldhiga ku lahaa kadib dagaal faraha la isaga gubtay oo halkaas ka dhacay. 

Warar laga helayo magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ayaa sheegaya in Mukhtaar Abuu Mansuur uu isaga soo baxay Tuulada Abal ee ka tirsan Gobolka Bakool, isla markaana labada dhinac ay duurka iskula maqan yihiin.

Dagaalka oo dhowr jeer la isku noqsaday ayaa la sheegayaa in maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur ay markii hore iska caabiyeen, inkastoo markii dambe dhowr jiho weerar laga soo qaaday.

Dhanka Kale Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidan badan oo gurmad ah u dirayaan deegaannada Abaal iyo Yabaal oo dagaal ku dhexmarayo ciidamada Al-shabaab iyo kuwo taabacsan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Madaxtooyada K/galbeed Nuuradiin Gacma oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in ay gacan siin doonaan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Waxa uu tilmaamay in dagaallada socda ay ku gacan sareeyaan ciidamada Roobow, ka maamul ahaanna ay isku raaceen in la caawiyo ciidanka Abuu Mansuur.

Dowladda Maraykanka ayaa Bishii tagtay waxay Mukhtaar Roobow ka saartay liiska dadka la doon doonayo ee la dul dhigay lacagaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada