Sawirro: Sidee ayuu u dhacay weerarkii cuslaa ee kooxaha Jihaadiistayaasha ka geysteen Burkina Faso

Sawirro: Sidee ayuu u dhacay weerarkii cuslaa ee kooxaha Jihaadiistayaasha ka geysteen Burkina Faso

daajis.com:- Waxaa lagu soo waramayaa in Toddoba iyo toban qof oo shacab ah ay ku dhinteen weerar looga shakisan yahay inay geysteen koox jihaad doon ah.

Weerarka oo cuslaa ayaa ka dhacay bartamaha caasimadda dalka Burkina Faso, Ouagadougou.

Weerarka ayaa lagu qaaday maqaayad iyo hotel ku yaallo Ouagadougou ee caasimadda Burkina Faso sida ay sheegeen ilo dowladeed.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay saddex nin oo hubeysnaa kuwaa oo rasaas ku furay dad macaamiil ahaa oo fadhiyay maqaayadda.

Inta uu weerarka socday ciidamo ka tirsan dowlada oo goobta gaaray ayaa dagaal fool-ka-fool ah la galay kooxihii weerarka soo qaaday.
Waxaa la sheegaa in kooxaha islaamiyiinta ah ay weerar ku qaadeen sanadkii 2016 kii maqaayad ku taallo Burkina Fasco, waxaana ku dhintay dad gaaraya 30 qof.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada