Aqri: Yuusuf Garaad Cumar oo Mareykanka u diray warqad xasaasi ah oo ku saabsan Iran

Aqri: Yuusuf Garaad Cumar oo Mareykanka u diray warqad xasaasi ah oo ku saabsan Iran

daajis.com:-Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa warqad uu Mareykanka u diray ku sheegay in Al-Shabaab ay Soomaaliya ka qodeyso macdnata uranium-ka, kadibna ay u direyso dalka Iran.

Macdanta uranium-ka ayaa waxaa loo adeegsada sameynta hubka nuclear-ka.

Yuusuf Garaad ayaa ka codsaday Mareykanka in Soomaaliya la siiyo taageero milatari oo deg deg ah, si ay arrintan uga hortagto.

Warqadda oo loo diray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, islamarkaana ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku saxiixan Yuusuf Garaad. Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Cawad oo la hadaly taleefishinka Fox News ayaa xaqiijiyey sax ahaanshaha warqadda.

Warqadda oo ku taariikheysan 11-ka August ayaa Mareykanka uga digtay in Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ay qabsadeen dhul ka mid ah bartamaha Soomaaliya, oo macdanta uranium-ka ka buuxdo.

“Arrintan waxaa lagu soo koobi karaa hal eray oo ah: Uraniam” ayaa lagu yiri warqadda.
“Maleeshiyada Al-Shabaab waxay qabsatay dhul badan oo macdanta uranium ay ka buuxdo, kuna yaala deegaanada Galmudug, si ay macdantaas ugu dhoofiyaan Iran” ayaa lagu qoray warqadda.

Warqadda Yuusuf Garaad ayaa uga digtay Mareykanka in iminka aan la joogin waqtigii dhinac kale loo jeesan lahaa, wuxuuna ka codsaday taageero sirdoon iyo mid milatari.

“Dowladda Mareykanka kaliya ayaa leh awoodda ay ku aqoonsato kuna burburiso Shabaabka ka howl-galaya Soomaaliya” ayuu lagu qoray warqadda.
Yuusuf Garaad ayaa ka digay in dhibaatadan aysan ahayn dhibaato Soomaaliya kaliya, balse ay tahay mid caalami ah.

Hoos ka arag warqadda

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Brothers Group, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Google+ Followers