MUUQAAL: Madaxwaynihii Laga Eryay Hir-shabeelle oo Beeshiisu u dooratay Madaxwaynaha Maamul Cusub

MUUQAAL: Madaxwaynihii Laga Eryay Hir-shabeelle oo Beeshiisu u dooratay Madaxwaynaha Maamul Cusub

daajis.com:-  Kulan ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa loogu caleemo saaray Cali Cabdullaahi Cosbole madaxweynaha maamul loogu magacaabo Hiiraan –Land oo dhawaan Beledweyne uga dhawaaqeen odayaasha gobolka.


Dhinacyadii kala duwanaa ee ka qeybgalay kulanka ayaa sheegay in la bur buriyay nidaamka lagu dhistay maamulka Hirshabeelle, taa badalkeedana dhisteen maamulka Hiiraan –Land oo ka kooban labo gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Sare.

Guudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyow) oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in go’aankii ay qaateen xildhibannada Hirshabeelle uusan aheyn mid sharaci ah.
Cali Cabdullaahi ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne kaddib markii xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen, dhawaanna la filayo in la doorto madaxweyne cusub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada