Ciidamo ka tirsan AMISOM oo markii ugu horeysay la geeyay Dhuusa-mareeb

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo markii ugu horeysay la geeyay Dhuusa-mareeb

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM ayaa markii ugu horeysay la geeyay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,waxaana la soo sheegayaa in Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo aan ka diiwaan gashaneyn Howlgalka AMISOM magaaladaasi isaga baxeen.

Dad ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in magaalada lagu arkayo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM,waxaana magaalada ka baxay kuwa Itoobiya oo mudo halkaasi ku sugnaa.

Saraakiisha Amaanka maamulka Ahlusunna ayaa sidoo kale Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay in Ciidankii Ethiopia ee ka amar qaadanayay Maamulka Ahlusunna magaalada laga saaray laguna badalay Ciidan kale oo ka socda Dalka Ethiopia lkn ka amar qaata Howlka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadii Ethiopia ee ka baxay dhuusamareeb ayaa mudo dheer halkaasi ku sugnaa,  waxaana ay ahaayeen Ciidan ka amar qaata Maamulka Ahlsunna ee Gobalada dhexe.
Xubno ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Ahlsunna oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku heyso wadahalo dhaxmara Maamulada looga kala Arimiyo Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Ahlsunna.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada