Daawo: Cabdiweli Gaas oo Maanta Boosaaso Ku Soo laabtay kadib Safar uu Xajka iyo Imaaraadka ku tagay

Daawo: Cabdiweli Gaas oo Maanta Boosaaso Ku Soo laabtay kadib Safar uu Xajka iyo Imaaraadka ku tagay

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safaro uu ugu maqnaa Dalka Sucuudiga oo uu aaday xajka wuxuuna kasoo degay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gaas ayaa sheegay in uu safarkiisii xajku si nabad ah isla markaana uu soo maray Dalka Imaaraadka“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka

iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo” ayuu yidhi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada